HomeNewsMaxay tahay wacdarada ay ka dhigtay Nadia Mohamed doorashooyiinkii golayaasha deegaanka ee...

Maxay tahay wacdarada ay ka dhigtay Nadia Mohamed doorashooyiinkii golayaasha deegaanka ee dhawaan ka qabsoomay Minnesota? 

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Guushii taariikhiga ahayd ee Nadia Mohamed ka dhigtay magaalada St. Louis Park oo ay ku noqotay qofkii ugu horeeyay oo Madaw ah, Soomaali ah Muslimna ah oo  duq magaalo ka noqda St. lOUIS park. Sidoo kale Nadia waxay taariikh ka samaysay maraykanka.  Nadia oo 26 jir ah,  kaliya ma ahan qofkii ugu da’da yaraa ee duq magaalo ka noqda  St. Lious Park, waa qofkii ugu horeeyay oo Somali ah oo Minnesota ka noqda Duq magaalo. 

Marka laga soo tago farxadeeda,  Nadia waxay ku nuuxnuuxsatay in guusheeda ay tahay  isbedelka socda ee ah in la helo siyaasad loo dhan yahay. Helitaanka in ka badan 58 boqolkiiba codadka doorashada koowaad, waxay ka badisay qofka ka soo horjeeda, taas oo calaamad u ah isbeddelka ku yimi taariikhda siyaasadeed ee St. Louis Park.

Ka go;naashaha Nadia ee ah u adeeggida bulshada, kaas oo ka muuqda doorkeedii hore ee kala duwanaanshaha, sinnaanta,  waxay   diiradda saaraysaa wax ka qabashada baahiyaha bulshada, gaar ahaan helitaan la’aanta guryo jaban oo la awoodi karo. Isbeddelka ku yimi kala duwanaashaha dadka degan St. Louis Park, iyo guusheeda ayaa ka tarjumaysa kala duwanaanshaha bulshada dhexdeeda, iyada oo dadka  laga tirada badan yahay  oo ah  20 boqolkiiba qiyaastii 10  boqolkiiiba waa soo  galooti cusub. 

Inkasta oo  Nadia ay qorsheyneyso inay wax ka qabato baahiyaha guryaha oo qayb ka ah shaqadeedii hore, guusheeda waa astaan rajo iyo dhiirigelin. Si ay meesha oga saarto shakiga laga qabo da’deeda, Nadia waxay u doodaa jiilalka da’da yar inay ku lug yeeshaan waajibaadka madaniga ah,  meeshana ka saaraysa fikradda ah in da’du ay qeexayso xigmadda.

Taageerayaashu waxay Nadia u arkaan inay tahay sahan jebinaysa caqabadaha haweenka iyo bulshooyinka laga tirada bdan yahay. Guusheeda, oo laga dareemayo meelo ka baxsan St. Louis Park, ayaa keenaysa su’aasha: Guusha Nadia Maxamed ma noqon kartaa mid horseeda hoggaan siyaasadeed oo Maraykan ah oo kala duwan oo loo dhan yahay, oo meesha ka saaraysa caqabadaha da’da  ee soo jireenka ah? Wakhtiga kaliya ayaa sheega doona saamaynta ay arrintaan ku yeelan doonto saaxada siyaasada ee Maraykanka.  

Warbixintani waxaa soo tabisay oona xaqiijisay Sahan Journal

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here