HomeLatestGolaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Cunaqataynta hubka ka qaaday Soomaaliya, taas...

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Cunaqataynta hubka ka qaaday Soomaaliya, taas oo gacan ka gaysanaysa dib-u-dhiska ciidanka 

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Talaabo taariikhi ah, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii si wada jir ah isugu raacay in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran dowladda Soomaaliya oo muddo tobanaan sano ah saarneyd. Isbeddelkaan muhiimka ah ee siyaasadda caalamiga ah ayaa imanaya 30 sano ka dib markii la saaray Soomaaliya cunaqabataynta 1992-kdiii, taas oo loogu talagalay in lagu joojiyo qulqulka hubka ee jabhadahii dagaalamayay ka dib markii la riday  xukuumadii Maxamed Siyaad Barre.

Isagoo ka falcelinaya isbedelkan muhiimka ah, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu si diiran u aqbalay qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. “Sodon sano ka dib, Soomaaliya waxay dib u helaysaa go’aankeeda iibsashada hubka”  ayuu yidhi. Madaxweynaha ayaa ku nuux-nuuxsaday in dowlada ay mas’uuliyada xakamaynta hubka dhabarka u ridan doonto samayn doontana korjoogtayn adag. 

Raisal Wazaaraha Soomaaliya Hamza Abdi Barre ayaa dhankiisa boogaadiyay talaabadaan cusub isaga oo sheeegay sida uu ugu faraxsan yahay qaadista cunaqabataynta hubka. Hamze wuxuu sheegay in uu yahay “Go’aan taariikhi ah in cunaqabatayntii ugu dheereed abid golaha Amaanka dal saaro laga qaaday”. Hamze ayaa intaasi raaciyay in ay oga faa’idaysan doonaan la dagaalanka argagaxisada oo markii hore isla itaal ekaayeen. Hasssan iyo hamse ayaa labuduba ku nuuxnuuxsaday in ay tahay talaabo hore loo qaaday oo calaamad u ah dowladnimada Soomaaliya.  Qaadista cunaqabataynta hubka ayaa ciidamada Soiomaaliya ka caawin doonta la dagaalanka kooxda Al-shabab. Sidoo kale waxaa uu gacan wayn ka gaysan doonaa in Soomaaliya si buuxda ula wareegto amaanka dalka oo dhan. 

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada midoobay  ayaa dhankiisa cabiray sida uu ugu faraxsanyahay qaraarkaan oo ay soo jeedintiisa lahayd dowlada Ingiriiska si dowlada Soomaaliya ula dagaalanto uturka xiriirka dhaw la leh Alqaeda ee Al-Shahab. Dhamaan xubnaha Golaha Amaanka ayaa u codeeyay qaraarkaan. 

Dadka Soomaaliyeed ayaa u arka qaraarkaan in uu talaabo aad u wanaagsan oo dawlada fursad u siinaya dib u dhiska dalka. Tani waxay astaan muuqda u tahay waxqabadka dowlada iyo fursada ay Soomaaliya haysato in ay dalka ka xorayso Alshabaab. 

Xukkumada Hassan iyo Xamse ayaa olole dalka looga xoraynayo khawaarijta bilaabay kadib markii ay xilka la wareegeen. Wajiga 1aad ee xorynta Gal-mudug iyo Hir-Shabelle ayaa meel gabo-gabo ah maraya.   Qaadista cunaqabataynta hubka ayaa ciidamada Soiomaaliya ka caawin doonta la dagaalanka kooxda Al-shabab. Sidoo kale waxaa uu gacan wayn ka gaysan doonaa in Soomaaliya si buuxda ula wareegto amaanka dalka oo dhan. 

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here