HomeLatestQaybta 1aad: Wax ka agow Barnaajimka soo dhawaynta qaxootiga (American Corps) ama...

Qaybta 1aad: Wax ka agow Barnaajimka soo dhawaynta qaxootiga (American Corps) ama Group 5. 

Date:

Related stories

DHS–Childcare Provider Dispute Escalates Over Payments and Licensing in Minnesota

MINNEAPOLIS, Minn. A dispute between the Minnesota Department of...

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday LifeA...

Wasaraada arrimaha dibedda ee Maraykanka oo kaashanaysa Wasaarada caafimaadka iyo adeegyada aadanaha ayaa iclaamisay 2022kii barnaamij kafaala-qaad gaar ah kaas oo awood u siinaya dadka ku nool Maraykanka inay door  ku yeeshaan soo dhaweynta qaxootiga ku imaada Barnaamijka  U.S. Refugee Admissions Program (USRAP).  Sanadkii la soo dhaafay, Amerikaan badan ayaa soo dhaweeyay qaxooti laga keenay Afghanistan, Ukraine, Venezuela, iyo meelo kale oo badan kuwaas oo ka soo cararaya dagaalo iyo caburis siyaasadeed.  

Soo-dhaweyntaan ayaa abuuraysa barnaamij waara oo loogu talagalay dadka Mareykanka ah  in ay si gaar ah u kafaala qaadaan qaxootiga adduunka oo dhan. Barnaamijkaan oo lagu magacaabo America Coprs  Soomaalidana u taqaan Group 5 waa hal-abuurkii ugu dhiirranaa ee dib-u-dejinta qaxootiga muddo afartan sano ah.

Sida uu ku bilowday Amrican Coprs ama Group 5

Dowlada maraykanka ayaa barnaamijkaan u qaybisay labo waji si ay u ogaato, una qiimayso, si sare  loogu qaado waxyaabaha  adeega kafaala-qaadka gaarka ah sida dib-u-dejinta bulshada hogaaminayso, iyada oo ujeedadu tahay in la xoojiyo Soo-dhaweynta qaxootiga iyada oo la raacayo nidaamka dib-udejinta Maraykanka.  

Wajiga koowaad ee barnaamijka,  kafaala-qaadayaasha gaarka ah ee ka qayb qaadanaya waxay soo dhawaynayaan qaxooti hore kiiskooda loo meel mariyay oo  hoos imaada USRAP.  Wajigaasi hada waa uu soo gabagaboobay. 

Wajiga labaad ee barnaamijka oo hada furmay , kafaala-qaadayaasha gaarka ah waxay awood u yeelan doonaan inay iyaga doortaan qaxootiga la keenayo kadibna u gudbiyaan USRAP si ay dib-u-dejin ugu sameeyaan. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan wajiga labaad ee barnaamijka dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa. 

Soo-dhaweyntu waxay ugu dambeyntii noqon doontaa qayb muhiim ah oo ka mid ah nidaamka dib-u-dejinta qaxootiga ee Maraykanka, oo siinaya nolol badbaadinayana dadka nugul ee u baahan dib-u-dejinta.  

Sida Barnaamijka u shaqeeyo. 

Dad ka kooban ugu yaraan shan qof oo muwaadiniin Maraykan ah ama haysta deganaasho rasmi ah kana wayn 18 sano,  waxay awood u leeyihiin inay soo  codsadaan Soo-dhaweynta si ay si gaar ah u kafaala qaadaan dib-u-dejinta qaxootiga.  Kafaalaqaadayaasha gaarka ah ayaa mas’uul ka noqon doona inay si madax-bannaan u ururiyaan lacag oo ay si toos ah u siiyaan gargaarka lagama maarmaanka ah qaxootiga 90-ka maalmood ee ugu horreeya. 

Caawimadan waxaa ka mid ah in qaxootiga laga caawiyo sidii ay guri iyo shaqo u heli lahaayeen, gaynta carruurta dugsiyada, iyo in qaxootiga lagu xidho adeegyada muhiimka ah ee bulshada. 

Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan kafaalaqaadka qaxootiga ama si aad u noqoto kafaala-qaade gaar ah, la soco qormooyinkeena soo socda.  

Hadii aad su’aal gaar ah qabto, fadlan qaybta commentiga noo soo dhig. 

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here