HomeLatestMaxkamada sare ee Maraykanka oo go'aan ka gaaraysa in Trump u tartami...

Maxkamada sare ee Maraykanka oo go’aan ka gaaraysa in Trump u tartami karo xilka madaxtinimada.

Date:

Related stories

DHS–Childcare Provider Dispute Escalates Over Payments and Licensing in Minnesota

MINNEAPOLIS, Minn. A dispute between the Minnesota Department of...

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday LifeA...

By Abdirizak Diis,

Maxkamadda sare ee Maraykanka ayaa sheegtay Jimcihii in ay go’aan ka gaari doonto in madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump laga mamnuucayo doorashada soo socota ee dabayaaqada sanadkaan qabsoomaysa, sababtoo ah wuxuu isku dayay in uu afgambiyo doorashadii madaxwaynaha ee looga adkaaday 2020kii.  

Garsoorayaasha ayaa garwaaqsaday baahida loo qabo in si degdeg ah go’aan loo gaaro, maadaama codbixiyeyaashu ay dhawaan bilaabi doonaan codaynta is reebreebka xisbiyada dalka oo dhan. Maxkamada ayaa aqbashay rafcaanka Trump ee kiis ka yimid gobolka Colorado oo ka dhashay doorkii uu ku lahaa weerarkii lagu qaaday US Capitol  Jan. 6, 2021. 

Iyadoo la tixgalinayo baahida degdegga ah kiiskaan, doodaha ayaa la qaban doonaa Febraayo 8deeda, oo ku aadan bisha fasaxa ay galaan garsoorayaasha. Waqtiga xaddidan wuxuu u oggolaanayaa maxkamadda inay soo saarto go’aan ka hor Super Tuesday March 5, oo ah maalinta codaynta ugu badan ay dhacdo.  

Trump, oo ka hadlayay munaasabad olole oo ka dhacday Iowa, ayaa yiri: “Waxa kaliya ee aan doonayo waa cadaalad. Waxaan rajeynayaa inay cadaalad ahaan doonaan.

Maxkamadda ayaa markii ugu horeysay ka fiirsan doonta ujeedada farqo ka mid ah  qodobka 14-aad ee dastuurka dalka kaas oo ka mamnuucaya qaar ka mid ah dadka ” kacdoonka sameeyay” inay qabtaan xafiis dadweyne. Qodobkaas waxaa dastuurka lagu daray lana ansixiyay 1868, ka dib Dagaalkii Sokeeye ee Maraykanka.  

Maxkamadda Sare ee Colorado, ayaa 4-3 cod ku xukuntay bishii hore in Trump aanu ka qayb gali karin codbixinta hordhaca ah ee Jamhuuriga. Go’aanka ayaa ahaa markii ugu horeysay ee  qodobka 14-aad loo isticmaalo in laga mamnuuco musharax madaxweynaha  doorashada.

Trump ayaa racfaan kale gaystay maxkamada gobolka Maine ka dib   go’aan ay soo saartay xoghayaha gobolka  Maine, Shenna Bellows, kaas oo ahaa in uusan u qalmin in uu ka qayb galo codbixinta gobolkaas ee ku saabsan doorkii uu ku lahaa weerarkii Capitolka.  

Xukunka maxkamada sare ee Colorado iyo go’aanka Xoghayaha Gobolka Maine ma dhaqan galayaan ilaa maxkamada sare go’aan ka gaarto keeska 

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here