HomeLatestKumanaan shaqaale oo isugu jira nadiifiyaal, iyo waardiyayaal oo ku baaqay in...

Kumanaan shaqaale oo isugu jira nadiifiyaal, iyo waardiyayaal oo ku baaqay in ay sameeyaan shaqo joojin. 

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Kumanaan qof oo ka tirsan shaqaalaha nadaafada ee magaalooyiinka mataanaha ah, waardiyaasha, iyo nadiifiyaasha dukaamada ayaa u codeeyay in ay samaynayaan shaqo joojin Maarso 2adeeda hadii aan loo kordhin mushaarka.  

codaynta 8,000 ee shaqaalaha ah ee ka kala socda qaybaha kala duwan waa isku daygii ugu dambeeyay ee ay sameeyeen ururka Service Employees International Union Local 26  si ay cadaadis ugu saaraan shirkadaha  waaweyn iyo qandaraaslayda. 

Shaqaalaha aan ururka ka mid ahayn ayaa iyana u codeeyay in ay la mudaaharaadaan ururka shaqaalaha.  

Ururka Local 26 ayaa matala in ka badan 4,000 oo ah waardiyayaasha faras-magaalada Minneapolis  iyo 1,000 shaqaalaha garoonka diyaaradaha Minneapolis iyo St. Paul.

Codbixintii ugu dambeysay ee ururku waxay jawaab u tahay waxa ay ugu yeereen “joojinta” wada xaajoodyada.

“Waa waqtigii [loo shaqeeyayaasha] ay bixin lahaayeen mushahar lagu noolaan karo oo oo la socda sicir bararka. Waa waqtigii ay bixin lahaayeen lacagta hawlgabka, si aan si sharaf ah shaqada uga fariisano, “ayuu yiri Brahim Kone, oo ah xoghayaha dhaqaalaha ee SEIU Local 26.

Shaqaaluhu waxay codsanayaan in loo kordhiyo mushaharka ilaa $5 saacaddii. Kooxaha qaar, sida waardiyayaasha, waxay qaataan $18.62 saacaddii. Xubnaha ururka waxa kale oo ay dalbanayaan faa’idada hawlgabka iyo hagaajinta xaaladaha shaqada.

Codbixintii shaqo joojinta ee Sabtidii ka qabsoontay Minneapolis, Tyra Nelson ayaa ku baaqday in si wanaagsan loo qalabeeyo waardiyaasha, sababtoo ah waxay la kulmaan xaalado adag marka ay la falgalayaan dadka la dhibaataysan daroogada iyo xanuunada dhimirka.  

“Askari wata toosh kaliya uma diri kartid dagaal, waa sida ay xaalada shaqadeenu tahay,” . 

Shaqaaluhu waxaa kale oo ay ka hadleen in la siiyo faa’idooyiinka howlgabka iyo caymiska caafimaadka. 

Codbixinta Sabtida waxay ka dhigan tahay in guddiyada gorgortanka  ay ku dhawaaqi karaan shaqo joojin wixii ka dambeeya 2-da Maarso.

Nadiifiyeyaasha xarumaha ganacsiga ayaa ka shaqeeya dhismayaal badan oo magaalada Minneapolis ku yaala. Shaqaalaha tafaariiqda, ee ka shaqeeya goobaha ay ku jiraan Cub Foods, Home Depot iyo kuwa kale, waxay leeyihiin qandaraas gooni ah.

Ka hor codbixintii Sabtida, Kadra Ali, oo ah nadiifiye iyo xubin ka tirsan golaha fulinta ee Local 26, ayaa ugu baaqday asxaabteeda inay u codeeyaan “haa” shaqo joojin.

“Waxaan ugu codeynayaa ‘haa’ in aan shaqo joojin sameeyo sababtoo ah waxaan doonayaa in aan fariin cad u diro shirkadaha si ay u ogaadaan in aan doonayno heshiis cadaalad ah.  Haddii ay heshiis cadaalad ah nala gali waayaan,  waa inaan shaqo joojin ku sameynaa si ay u ogaadaan waxa aan u qalano,” ayay tiri.

Dhammaadkii shirkii sabtida, kaas oo lagu qabtay Dugsiga Sare ee Edison, Kone wuxuu waydiistay xubnihii joogay inay soo saaraan mid ka mid ah labada waraaqood ee muujinaya go’aankooda ku saabsan in ay ogolaadeen shaqo joojin iyo in kale.

Xubnaha ururka ayaa si xamaasad leh u gacan haadiyay warqadda cad oo ay ku qoran tahay “haa” oo ku qornayd luqado badan.   Qaar baa jeexjeexay warqadii ay ku qornayd maya.

Masuul ka tirsan ururka Local 26ka maxaliga ah ayaa war-saxaafadeed ku sheegay in gorgortanku uu sii socon doono dhammaan dhinacyada u dhexeeya ururka iyo loo shaqeeyayaasha, iyada oo kulamo badan ay dhacayaan toddobaad kasta bishan.

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here