HomeEducationWazaarada Waxbarashada Maraykanka oo baaraysa takoor lagu sameeyay  arday oo Soomaali  Dugsiyada...

Wazaarada Waxbarashada Maraykanka oo baaraysa takoor lagu sameeyay  arday oo Soomaali  Dugsiyada Dadweynaha Edina. 

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

EDINA, Minn — Wazaarada Waxbarashada Mareykanka ayaa 30-kii Jannaayo baaritaan ka furtay Dugsiyada Dadweynaha Edina balse ma aysan cadeyn sababta.

Dugsiyada Dadweynaha Edina ayaa sheegay Talaadadii in ay wajahayaan baaritaan takoor  oo ku salaysan xeerka Title VI.

Baaritaanka ayaa yimid ka dib markii Golaha Xiriirka Islaamka ee Minnesota uu bishii November ee la soo dhaafay dacwad u gudbiyay Wazaarada Waxbarashada Maraykanka, dacwadaas oo ku saabsan labo arday oo Muslimiin ah oo laga buriyay Dugsiyada dadwaynaha ee Edina. Dacwada waxaa ay ku salaysnayd  takoor xagga diinta ah  xili ay ardayda ku mudaaharaadayeen dagaalka ka socda Gaza.  Labadaa arday ayaa la sheegay in ay Soomaali ahaayeen. 

 CAIR-MN waxa ay sheegtay Talaadadii, in ay soo dhaweynayaan baaritaanka ” eedeymaha ku saabsan takoorka Islaam naceybka ee ka dhanka ah Edina Schools. Tani waxay daba socotaa burinta laba arday oo Muslimiin ah oo wax ka barta Dugsiga Sare ee Edina ka dib markii ay ku dhawaaqayeen hal ku-dhega ‘From the river to the sea, Palestine will be free.’“’Laga soo bilaabo webiga ilaa badda, Falastiin waa xor.’

Hal-ku-dhega  ayaa dad badani u haystaan inay tahay Yuhuud nacayb.

“Waxaan ayaan ugu faraxsanahay tallaabada degdega ah iyo go’aanka lagu baarayo Dugsiyada Dadweynaha ee Edina. Tani waa tallaabo loo qaaday caddaaladda kuwa sida xaq-darrada ah loo tilmaamay oo si xun loola dhaqmay,” ayuu yiri Jaylaani Xuseen, Agaasimaha Fulinta ee CAIR-MN.

Jaylani Hussein center

Dugsiyada Dadweynaha Edina waxay soo saareen bayaankan soo socda Talaadadii:

Dugsiyada Dadweynaha Edina waxay ogyihiin in Waaxda Waxbarashada ee Maraykanku ay furtay baadhista takoorka Title VI. Degmadu waxay  xaqiijinaysaa taageerida xaqa uu siinayo farqada 1aad ee dastuurka dalka  inay si xor ah u hadlaan iyo inay si nabad ah ugu doodaanwaxyaabaha iyaga muhiimka u ah. Sidoo kale, degmadu waxay leedahay siyaasado adag oo mamnuucaya nooc kasta oo takoorid ah oo ka dhan ah ardayda iyadoo loo eegayo diintooda ama wax kasta oo kale oo lagu ilaaliyay Xeerka Xuquuqul Insaanka ee Minnesota.

Degmadu kama hadli  karto arday gaar ah ama eedaymo maadaama macluumaadkaay yihiin xog gaar ah oo ay ilaalinayaan Xeerka Dhaqannada Xogta ee Dawladda Minnesota (MGDPA) iyo Xeerka Xuquuqda Waxbarashada Qoyska   (FERPA). Si kastaba ha ahaatee, ardaydu ma laha xuquuqaha qodobka 1aad ee dastuurka oo aan xadidnayn inta ay ku sugan yihiin dugsiga ardayduna xaq uma laha sida uu dhigayo  qodobka kowaad inay ku hadlaan hadal si wayn u carqaladaynaya ama ku xad gudbaya xeerarka degmada.

Qiyamka asaaska u ah Dugsiyada Dadweynaha Edina waxay ku salaysan yihiin ilaalinta sharafta dadka oo dhan. Waxaan qiimeynaa oo aan qadarineynaa kala duwanaanshaha dhammaan ardaydeena. Dugsiyada Dadweynaha Edina waxay si qoto dheer u cambaareynayaan Islam nacaybka iyo nacaybka noocuu dooniba ha ahaadee. Uma dulqaadan doono hadalada naceybka ama hadalada aan habooneyn ama dhaqamada qaldan,  waxaanana ku dadaalaynaa in aan u abuurno ardayda iyo shaqaalaha jawi badbaado leh oo loo wada dhan yahay.

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here