HomeLatestMaxaan u baahanthay inaad ka ogaato doorashada dhacaysa barito oo talaado ah. 

Maxaan u baahanthay inaad ka ogaato doorashada dhacaysa barito oo talaado ah. 

Date:

Related stories

DHS–Childcare Provider Dispute Escalates Over Payments and Licensing in Minnesota

MINNEAPOLIS, Minn. A dispute between the Minnesota Department of...

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday LifeA...

Barito oo ku beegan Maarso shanteeda waxaa looga yaqaanaa dalka Maraykanka Super Tuesday. Super Tuesday waxaa la qabtaa doorashooyiinka is reeb-reebka axsaabta dhexdooda oo ka qabsoonta gobolo badan oo maraykanka ah. Ilaa hada, madaxwayne Joe Biden iyo madaxwaynihii hore Domald Trump ayaa ugu cad cad murashaxiinta axsaabtooda ku matalaya doorashada madaxwaynaha dalka Markanka oo qabsoomaysa Nofeembar sanadkaan. 

Hadaba maxaad u baahan tahay inaad ka ogaato doorashada barito dhacaysa iyo sida aad u codayn karid.  

Yaa codayn kara?

Qof walba oo codbixiye u diiwaan gashan waa uu codayn karaa. Hadii aadan diiwaan gashanayn isla goobta ayaad isku diiwaan galin kartaa. Waxaa lagaaga baahan yahay inaad wadatid kaarkaaga aqoonsiga, ama biilka adeegyada guriga sida korontada, ama heshiiska aad ku degan tahay guriga.

Halkeen ka codayn karaa?

Goobtaada codaynta waxay ku xirantahay halka aad degan tahay. Halkan ayaad ka heli kartaa goobtaada codaynta. Kaarka codaynta waxaa ku qoran dhamaan murashaxiinta. 

Goormaan codayn karaa?

Waxaad codayn kartaa  adiga oo goobta tagaya 5-ta Maarso oo ah barito oo Talaado ah. Codbixintu waxay furmi doontaa 7 subaxnimo ilaa 8 galabnimo. Qof kasta oo safka ku jira 8-da fiidnimo waxaa loo ogolaan doonaa in ay codeeyaan.

Dadka qaar ayaa mar hore codeeyay iyaga oo isticmaalaya adeega boostada.

Xaalada kaarkaaga codaynta waxaad kala socon kartaa halkaan. 

Maxay tahay xuquuqdayda codaynta?

 Waxaad xaq u leedahay in aad isla goobta isku diiwaan galiso xiliga codaynta, waxaad codsan kartaa turjumaan, caruurtaada waa ay ku soo raaci karaan, sidoo kale, shaqada ayaad fasax ka soo qaadan kartaa si aad u codayso. Fasaxaasi wax uma dhimayo mushaarkaaga ama saacadahaada fasaxa ama PTO.

Hadii aad su’aalo qabtid xiliga codaynta, waxaad waydiin kartaa xaakimka doorashada ee jooga goobta codaynta. 

Sideen iu codsan karaa turjumaan?

Hadii aad doonaysid macluumaad ku qoran luqad aan Ingiriis ahayn, waxaad codsan kartaa turjumaan. Hadii uusan turjumaan joogin goobta codaynta, xaakimka doorashada ayaa kuu wacaya turjumaan. 

Kaararka codaynta waxaa laga yaabaa in ay ku qoran yihiin luqado kala duwan. 

Xageen ka heli karaa macluumaad dheeri ah. 

Booqo shabakada xoghaynta Minnesota si aad u heshid macluumaad dheeri ah. 

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here