HomeJusticeAskari boolis ah iyo nin hubaysan ayaa dhintay, labo qof oo kalena...

Askari boolis ah iyo nin hubaysan ayaa dhintay, labo qof oo kalena waa ay dhaawacmeen magaalada Minneapolis.

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Jamal Mitchell ayaa la dilay xilli uu ka jawaabayay toogasho ka dhacday guri dabaq ah oo ku yaalla 2200 block of Blaisdell Avenue, taasoo ka dhigaysa sarkaalkii ugu horreeyay ee booliiska Minneapolis ee la toogto laguna dilo isagoo gudanaya waajibaadkiisa in ka badan 20 sano.

Sarkaalkaan 36 jirka ah oo ka tirsan booliiska Minneapolis ayaa dhintay, sidoo kale waxaa goobta lagu toogtay tuhmanaha ka dib markii ay rasaas is weydaarsadeen fiidnimadii Khamiista koonfurta Minneapolis, sida ay sheegeen booliiska. 

Sarkaal labaad oo ka tirsan booliiska dab-demiska, qof goobta ku sugnaa iyo qof kale ayaa sidoo kale ku dhaawacmay rabshada  ka dhacay gudaha iyo hareeraha guri dabaq ah oo ku yaal 2200 block of Blaisdell Avenue, ee xaafadda Whittier ee Minneapolis, sida ay saraakiishu sheegeen.

Sargaalka  dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Jamaal Mitchell, oo 36 jir ahaa, kaas oo ku guulaystay bilad sharaf ka dib markii uu labo qof oo waayeel ah dab ka badbaadiyay saddex maalmood ka dib markii uu bilaabay shaqada.

Mitchell “waa geesi, maantana waa maalin aad u xun magaalada Minneapolis,” ayuu yiri duqa magaalada Jacob Frey 10kii habeenimo. shir jaraa’id, oo ay garab taagnaayeen Gov. Tim Walz, hogaamiyayaasha booliiska iyo xubnaha golaha deegaanka.

Mitchell, oo ah aabbe ayaa ka mid ahaa saraakiishii ugu horreysay ee soo gaaray goobta ay ka dhacday toogashada wax yar ka dib 5-tii galabnimo. Waxa uu isku dayay in uu gargaar caafimaad  siiyo meel ka baxsan dhismaha laba qof oo dhaawac ah halkaas oo lagu toogtay si gaadmo ah sida uu sheegay Drew Evans, oo ah maamulaha Xafiiska Dambiyada ee Minnesota.

Amaanka magaalada Minneapolis ayaa laga dayrinayaa waxaana soo badanaysa weerarada loo gaysto booliiska.  Horaantii sanadkaan ayaa sidaan oo kale sadex qof oo ka tirsan booliiska iyo dabdamiska lagu toogtay magaalada Burnsville iyaga oo gudanaya waajibaadkooda shaqo. 

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here