HomeNewsDhibaatada ay leedahay sunta Lead ama maarta iyo Caawimaada Defgmada Hennepin

Dhibaatada ay leedahay sunta Lead ama maarta iyo Caawimaada Defgmada Hennepin

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Sunta “lead” waxay si xun u dhaawacaysaa caafimaadka ilmaha waxayna u gaysaynaysaa dhibaatooyin badan. Inta la ogyahay dhibaatooyiinkaan waxaa ka mid ah:  

  • Dhaawac soo gaara maskaxda iyo habdhiska dareenka jidhka
  • Koritaanka ilmaha oo ragaada  
  • Dhibaatooyin dhanka waxbarashada oo ilmaha soo gaara
  • Dhibaatooyin soo gaara  maqalka iyo hadalka

Waxaa ayna sababi kartaa:

  • IQga ama garaadka oo hoos u dhaca  
  • In ilmuhu aanan si wanaagsan wax u dhagaysan
  • Waxbarashada oo ku adkaata ilmaha  

Waxa kale oo jira caddayn tusinaysa  in caruurta ku sumoowa leedhka ay u gaysan karto dhibaato mudo badan qaadata.  

In la ogaado in ilmuhi ku sumooween sunta leedhka aad ayay u adagtahay.  Inta badan carruurta ma laha calaamado muuqda oo degdeg ah. Haddii waalidku aaminsan yihiin in carruurtooda ay soo gaadhay sunta leedhka, waa inay la hadlaan dhakhtarka caafimaadka ilmahooda. Waxaa laga yaabaa inay u baahdaan in laga baaro sunta leedhka dhiiggooda.

 Barnaamijka sunta leedhka guryaha looga baarayo ee Hennepin County

Si aad ilmahaaga oga ilaaliso in suntani ay gaarto jidhkooda, ka qayb qaado barnaamijka Henneoin County ee bilaashka ah. 

Degmada Hennepin waxay bixisaa barnaamijyo kala duwan, oo ay ku jiraan taageerada lagu ogaanayo lagana saarayo ranjiga qaba sunta leedhka  gurigaaga iyo wayaabaha kale ee guriga lagu isticmaalo.  

Yaa you Qalma

Milkiilayaasha guryaha la dhisay 1978dii ka hor, ama kiraysayaasha ayaa u qalma.  

Waa in guriga ay ku noolyihiin ilmo ka yar 6 sano ama ay soo booqdaan guriga. 

Guriga bilaash ayaa lagu baarayaa si loo ogaado in uu leeyahay sunta leedhka.

Degmada Waxaa ay bixinaysaa deeq gaaraysa  Ilaa $15,000  oo shaqada lagu qabanayo oo ay ku jiraan  in guriga loo sameeyo dariishado cusub. 

Buuxi foomkaan si aad u ogaato inaad u qalanto iyo in kale.

Hadii aadan aqoon English, Degmada Hennepin ayaa ku siinaysa turjumaan bilaash ah.  

Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo buuxinta foomka, fadlan nala soo xidhiidh telefoonka iyo emailka hoose si laguu caawiyo: 

612-543-4182

healthhomes@hennepin.us

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here