HomeNewsAstaamaha lagu garto Long-Covid iyo sida loo daweeyo. 

Astaamaha lagu garto Long-Covid iyo sida loo daweeyo. 

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Qormadeenii hore waxaan ku soo qeexnay cudurka Long-Covid, tirada dadka uu ku dhacay, iyo astaamaha lagu garto. Qormadaan waxaan diirada ku saari doonaa sida loo daweeyo Long-Covid hadii adiga ama qof aad jeceshahay uu ku dhaco.  Inta aynaan ka hadlin dawaynta, waxaan idiin xasuusinayaa astaamaha lagu garto. 

Astaamaha lagu garto Long-Covid

  • Daal joogto ah oo si xun u saameeya hawlaha maalinlaha ah ee qofka.
  • Neefsashada oo qofka ku adkaata Qofka xitaa marka uu samaynayo howl fudud.   

Intaa waxaa dheer, calaamadaha kale ee suurtogalka ah ee Long COVID waxaana ka mid ah:

  • Isbedel ku yimaada dareenka urta ama dhadhanka (anosmia ama dysgeusia)
  • Garashada oo yaraata oo  loo yaqaan “Brain fog”  (Sida in maskaxda ceeryaamo saaran tahay)
  • Qufac joogto ah
  • Madax xanuun
  • hurdo la’aan
  • Calaamadaha niyadjabka iyo walaaca
  •  Laab oo xanuun
  • Wadno xanuun
  • Dhibaatooyin xaga caloosha ah, sida shuban

Dawaynta

Hadii aad baratay astaamaha Long-Covid oo dhakhaatiirtu ku macneeyeen in uu yahay Chronic ama xanuun lala noolaado, wax ka baro sida loo daweeyo.

Caqabadaha Daryeelka Long COVID:

  •  Waxaa adkaata in qofka si dhaqso ah u helo dawo taas oo ay sabab u tahay  nidaamyada daryeelka caafimaadka.
  • Waxaa laga yaabaa in dhakhaatiirta, loo shaqeeyayaasha, iyo xubnaha qoyska ay yaraystaan calaamadaha taas oo keeni karta daryeel la’aan. 
  • Luqada iyo kala duwanaashaha dhaqanka ayaa laga yaabaa in dadka aan luqada ingiriiska si fiican ugu hadlin ay ku adkaato in ay  helaan daryeel caafimaad oo dhamaystiran.   
  • In aan si dhaqso ah loo baarin ama loo ogaan dadka aan lahayn taariikh caafimaad ama dhaqaalahoodu hooseeyo.  

Daawaynta iyo muddada  calaamadaha Long COVID:

  • Calaamaduha ama xanuunada Long-Covid waxay ku bogsoon karaan bilo ama sanado ayuu qofka la noolaan karaa.
  • Daawaynta waxaa lagu saleeyay nooca calaamadaha qofka dareemayo. tusaa:
    •  Daalka waxaa lagu dawaynayaa shaqada oo la yareeyo iyo nasasho.
    • Xanuunka jirka iyo maskada  waxaa lagu dawaynayaa dawooyiinka ku haboon xanuunadaasi. Dhakhtarkaaga la tasho mar walbo
    • Urta oo qofka ka tagtaayi waxaa lagu daweeyaa tababarka urta ee loo yaqaan olfactory. 

Waxaa socda baaritaano lagu ogaanayo sidii loo hormarin lahaa dawaynta Long-COVID maadaama uu yahay cudur aadanaha ku cusub. 

Waxaad caawimaad kla heli kartaa dhamaan xarumaha caafimaadka iyo bulshada. 

La soco qormada soo socota ayaynu faahfaahin dheeri ka bixin doonaa. 

Waxaa qoray Abdirizak Diis

Xigasho: Cilmi baaris ay samaysay Mayo Clicin 

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here