HomeNewsXaaladaha Qofka la Kulmi Karo COVIDka  ka Dib 

Xaaladaha Qofka la Kulmi Karo COVIDka  ka Dib 

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Xanuuno badan ayaa qofka la soo darsa kadib marka uu caabuqa COVOD 19 ku dhaco. xalladahaan ayay dhakhaartiirta u aqoonsadeen Long Covid ama saamaynta COVID ee dabadheeraata. Hadaba wax badan ka ogow waxa uu yahay Long Covid, astaamaha lagu garto iyo sida aad loo daweeyo.

Waa maxay Long COVID ama COVID ka saamaynta fod 

Dadka qaar ee uu ku dhacay  COVID-19 waxay la kulmi karaan saameyn waqti dheer qaadata oo uu keenay fayraska COVID 19, waxaana loo yaqaannaa Long COVID ama Post-COVID Conditions (PCC) OO macnaheedu yahay COVIDka Dheer.  Covidka daba dheeraada waxaa lagu gartaa calaamado qofka ka soo daahira ka dib marka uu ku dhaco COVIDka. Sidani waxaa ku macnaysay  Waaxda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha (HHS) iyadoo la kaashaneysa Xarunta Cilmi Baarista iyo Xakamaynta Cudurada (CDC). 

Maxaad u baahantahay inaad ogaato? 

COVIDka daba dheeraada waxaa ka mid noqon kara  xaaalado caafimaad oo kala duwan oo ay ku jiraan kuwaan soo socda; xaaladahani waxay socon karaan toddobaadyo, bilo, ama sannado.

Fayraska dheer ee COVID-19 wuxuu ku badan yahay dadka aad ugu xanuunsaday COVID-19, laakiin qof kasta oo uu ku dhacay fayraska sababa COVID-19 wuu ku dhici karaa.

Dadka aan laga tallaalin COVID-19 oo uu haleelay waxay aad ugu dhaw yihiin  inuu ku dhaco COVIDka-dheer marka loo eego dadka la tallaalay.

Fayraska SARS-CoV-2, ee keena COVID-19, dhowr jeer ayuu qofka ku dhici karaa. Mar kasta oo uu qofku ku dhaco  SARS-CoV-2, waxay halis ugu jiraan inuu ku dhaco COVIDka-dheer.

Inkastoo inta badan dadka qaba COVID-19ka dheer ay ogyihiin in  caabuqa ama jirrada COVID-19 uu ku dhacay mar hore, xaaladaha qaarkood, qofka qaba COVIDka-dheer waxaa laga yaabaa inaan laga helin fayraska ama aan la ogayn in cudurka ku dahcay. .

CDC iyo shurakadeeda waxay ka shaqeynayaan inay wax badan ka fahmaan dadka uu ku dhici karo COVID-ka dheer iyo sababta, oo ay ku jirto haddii dadka uu saameeyey COVID-19 ay halis sare ku jiraan.

Bishii Luulyo 2021,   COVID-ka dheer  waxaa  loo aqoonsaday in uu keeni karo  naafo marka loo eego Xeerka Naafada Ameerikaanka (ADA).  

COVID-Ka Dheer

COVID-ka Dheer  waa noocyo kala duwan yahay wuuna is badbadalaa, soo laalaabtaa, ama wuxuu leeyahay dhibaatooyin caafimaad oo ay dadku la kulmaan ka dib marka ay qaadaan fayraska sababa COVID-19. Inta badan dadka qaba COVID-19 waxay ku soo roonaadaan dhawr maalmood ilaa dhawr toddobaad gudahooda ka dib caabuqa, markaa ugu yaraan 4 toddobaad ka dib caabuqa waa bilawga marka ugu horeysa ee COVID-19 la aqoonsan karo. Qof kasta oo cudurka ku dhacay wuxuu la kulmi karaa COVIDka-dheer. Inta badan dadka qaba COVID-dheer waxay la  arkaan  astaamo maalmo ka dib markii ay ogaadeen inay qabaan COVID-19, laakiin dadka qaar oo markii dambe ku dhacay  COVIDka dheer  ma garanayn goorta ay qaadeen.

Ma jiro baaritaan go’aaminaya haddii calaamadahaaga ama xaaladdaadu ay sabab u tahay COVID-19. COVIDka  dheer ma aha hal jirro. Dhakhtarkaga wuxuu qiimaynayaa taariikhdaada caafimaad iyo baaritaano dheeroi ah si uu u ogaado in xaaladaadu keentay COVID ka dheer. 

https://www.cdc.gov/coronavirus/2019-ncov/long-term-effects/index.html

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here