HomeNewsMaxay tahay taariikhda ay St. Paul samaysay doorashooyiinkii u danbeeyay? 

Maxay tahay taariikhda ay St. Paul samaysay doorashooyiinkii u danbeeyay? 

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Clockwise from top left: Anika Bowie, Rebecca Noecker, Saura Jost, Mitra Jalali, Cheniqua Johnson, Nelsie Yang, Hwa Jeong Kim. Credit: Courtesy of candidates’ campaigns/Sahan Journal

Magaalada St. Paul ayaa taariikh cusub samaynaysa  iyada oo dadka deegaanka ay doorteen gole deegaan oo dhamaan ah dumar kadib markii Anika Bowie iyo Cheniqua Johnson ay ku guulaysteen doorashada.  Ka dib markii la tiriyay codadka, Johnson ayaa in yar kaga adkaatay dhigeeda ka soo horjeeda ee Word 7, halka Bowie ay ku guuleystay Ward 1, labaduba waxay u baahdeen tirinta doorashada xulashada labaad maadama uusan qofna helin 51 boqolkiiba xulashada koowaad.  

Golahaan cusub ee Magaaladu maaha kaliya Dumar laakiin sidoo kale waxay calaamad u tahay  kala duwanaanshiyaha jinsiyadeed ee aan horay loo arag, oo ka kooban lix xubnood oo ah dadka laga tirada badan yahay.  Waxaana lagu tilmaamay inay yihiin “ka ugu da’da yar, ugu horumarka badan, uguna kala duwan” taariikhda St. Paul.  Xubnaha golaha, oo ay ku jiraan kuwa hadda xilka haya Mitra Jalali, Rebecca Noecker, iyo Nelsie Yang, oo ay weheliyaan xubnaha  cusub ee Saura Jost, Hwa Jeong Kim, Bowie, iyo Johnson, waxaa la dhaarin doonaa sanadka soo socda.

War-murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen xubnaha goluhu waxa ay ugu mahad naqeen isbahaysiga bulshada ee ka qayb qaatay guusha ay gaadheen, iyaga oo ka soo gudbay dagaalkii ay la galeen dhinaca muxaafidka. Waxyaabiha ugu muhiimsanaa ee golahan diirada saari doono, sida lagu  sheegay  bayaankooda, waxaa ka mid ah xasilinta kirada, horumarinta sinnaanta, dhisidda hantida bulshada, adkeysiga cimilada, iyo xuquuqda shaqaalaha.

Waxaa dib loo doortay jalali, Yang, iyo Noecker, iyadoo Kim iyo Jost ay guulo ka gaareen waadhkooda. Markay isu diyaarinayaan inay xafiiska la wareegaan Janaayo 2024, golaha cusub wuxuu xooga saarayaa sida ay uga go’an tahay maamul-wadaaga iyo raadinta mustaqbal wanaagsan dhamaan reer St. Paul.

Warbixintani waxaa soo tabisay oona xaqiijisay Sahan journal

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here