HomeCommunity and CultureWaa maxay walwalka ay qabaan shaqaalaha arrimaha diinta ee Isbitaalka Fairview?

Waa maxay walwalka ay qabaan shaqaalaha arrimaha diinta ee Isbitaalka Fairview?

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Shaqo-ka-joojintii dhawaan lagu sameeyay shaqaalaha diinta iyo dhaqanka ee  isbitaalka Jaamacada minnesota M Health Fairview  ayaa  ku reebtay bukaannada Muslimiinta iyo kuwa Bariga Afrika xaalad aan la hubin. Joojinta, oo saamaysay 13 ka mid ah 42 qof, waxay walaac ku abuurtay  shaqalahaan bukaanada u muxaadarayn jiray. 

Alemseged Asmelash, oo ah wadaad diimeed ka soo jeeda  bariga Afrika, muddo 21 sano ku dhowna soo shaqaynayay, ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay go’aankan kediska ah. Waxaa la socday Jamiilla Xasan oo ah wadaadad Soomaaliyeed oo muslimin ah, waxay ka dhawaajisay dareenka ah in la khiyaamay. Shaqo ka fariisinta, oo saameysay guud ahaan 250 shaqaale , ayaa ka dhigtay in ay su’aal galiyaan masiirka bukaannada Muslimiinta ah ee ku tiirsan wadaaddada si ay u helaan wacdi iyo waano.  

Wadaaddada ay dhibaatadu saameysey ayaa ku doodaya in aan go’aanka lagala tashan, iyaga oo aan helin wax digniin ah ka hor  inta aan lagu dhawaaqin go’aankaan Noofambar 2dii. Alemseged, oo ugu horrayn u adeegi jiray xaafadda daanta galbeed oo ay ku nool yihiin dad Muslimiin ah oo Bariga Afrika ka soo jeeda, ayaa carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee taageerada ruuxiga ah u leedahay bogsashada  dhamaystirna u tahay  daryeelka jidhka ee ay bixiyaan dhakhaatiirta.

Shaqaalaha Adeegyada Caafimaadka ee Fairview waxa ay qiil uga dhigtay shaqo ka joojinta inay jawaab u tahay isbeddellada  lagu raadinayo taageerada ruuxiga ah, iyadoo daliishaday dadaallada socda ee wax looga qabanayo baahiyaha dhaqanka iyada oo loo marayo barnaamijyada sida  isku-duwidda  soo celinta cadaalada, iyo dadaallada sinnaanta caafimaadka bulshada. Af hayeenku waxa kale oo uu sheegay in ay shaqaynayaan  tobanaan wadaad oo kale, isaga oo u ballan qaaday in laga taageeri doono shaqaalaha shaqada laga fadhiisiyey xagga dib u tababarida, caawinta shaqo raadinta, iyo shaqaaleysiinta mudnaanta leh.

Si kastaba ha ahaatee, wadaaddada, oo isu arkayay inay ka mid yihiin kooxda daryeelka bukaanka, ayaa muujiyay walaaca ku saabsan luminta nidaamka taageerada muhiimka ah ee bukaanka Muslimiinta iyo Bariga Afrika. Jamilla, gaar ahaan, waxay ku tilmaantay doorkeeda inuu yahay mid degin  iyo matalaad bukaannada laga yaabo inay dareemaan inay  xiriir la lahayn shaqaalaha  caafimaadka. Maadaama ay soo food saartay mustaqbal aan la hubin, labadaba Alemseged iyo Jamilla waxay la tacaalayaan noloshooda iyo isbedelka shaqadooda iyo halka ay ku danbayn doonaan.  

Warbixintani waxaa soo tebisay oo xaqiijisay Sahan Journal.

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here