HomeCommunity and CultureQaar ka mid ah dadka degan xerada hoylaawayaasha ee Koonfurta Minneapolis oo...

Qaar ka mid ah dadka degan xerada hoylaawayaasha ee Koonfurta Minneapolis oo dacweeyay magaalada? Maxay tahay sababta?

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Laba qof oo deggan xerada hoy-laawayaasha ee ku taal koonfurta Minneapolis meel aan ka fogayn mallka 24 ee Soomaalida oo la qorsheeyay in la xidho usbuucan ayaa gudbiyay dacwad federaali ah oo ka dhan ah duqa magaalada Jacob Frey iyagoo rajeynaya inay horjoogsadaan qorshayaasha maamulka magaalada.

Cheryl Sagataw, oo asal ahaan ka soo jeeda Indian Amerikanka qabiilka Potawatomi oo hoy-laawe ah (Homeless) ku dhawaad sagaal bilood, iyo DeAnthony Barnes, oo isna hoy-laawe ahaa tan iyo 2011kii,  ayaa dacweeyay maayarka magaalada Minneapolis Jacob Frey iyaga oo ka wakiil ah naftooda iyo dadka kale ee deggan xerada loo yaqaan Camp Nenookaasi .

Sagataw iyo Barnes waxay sheeganayaan in laga soo raray xero kale ka hor inta aysan u soo guurin Camp Nenookaasi, oo ku taal   E. 23rd Street iyo 13th Ave. S., xagaagan. Waxay sheegeen inay xerada ku haystaan caawimaad dawo oo looga dhaqayo daroogada sidoo kalena ay codsadeen guri ay degaan.  Waxaa kale oo ay sheegeen in  burburinta xerada Khamiista ay dhigi doonto hoy la’aan xilliga jiilaalka ee Minnesota. In ka badan 100 qof ayaa hadda ku nool xerada.

Dacwaddu waxay ku doodaysaa in burburinta hantida dadka deggan xerooyinka iyada oo aan la marin nidaamka sharciga ah ay  xad-gudub ku tahay qodobka  afraad iyo 14aad ee Dastuurka Maraykanka. In meesha xoog looga saaro iyaga oo aan la siin meel kale oo ay degaan ay iyana xadgudub ku tahay qodobka 8aad ee ciqaabta naxariis-darrada ah iyo ciqaabta aan caadiga ahayn.

Magaalada Minneapolis ayaa tilmaamtay Talaadadii in ay  ka go’an tahay xiritaanka xerada oo la qorsheeyay Khamiista.  Mas’uuliyiinta magaaladu ayaa walaac caafimaad iyo nabadgalyo ka qaba sii furnaashaha xerada. Xiritaankan oo hore loo qorsheeyay ayaa dib u dhacay kadib markii mid kamid ah dadka degan lagu toogtay gudaha xerada bartamihii bishii December.

Bayaan ay soo saartay, afhayeenka magaalada Minneapolis Sarah McKenzie ayay ku sheegtay in magaaladu ay mar hore dib u dhigtay xidhitaanka Camp Nenookaasi laba jeer si loogu ogolaado dadka deegaanka in ay hoylaawayaasha ku qanciyaan in ay meesha baneeyaan.  Hay’adaha Salvation Army  iyo Rescue Now waxay qorsheynayaan inay 90 sariir ku daraan nidaamka hoyga ee degmada todobaadkan, ayay tidhi.

“Dhammaan  dadka degan  kaamamka waxay mudan yihiin in la dajiyo guryo ammaan ah oo sharaf leh gaar ahaan xilliga jiilaalka ” McKenzie ayaa tidhi. “Intaa waxaa dheer, Magaaladu waa inay wax ka qabato arrimaha caafimaadka iyo badbaadada dadweynaha, sida dilka dhawaan ka dhacay xerada.”

Xerada Nenookaasi waxay ku fadhidaa dhul ay magaalada leedahay kaas oo laga iibinayo Indigenous Peoples Task Force, oo ah hay’ad aan macaash doon ahayn oo u adeegta dadka la nool HIV. IPTF waxa ay qorshaynaysaa in ay dhamaystirto iibka bisha February oo ay bilowdo dhisida xarunta fanka iyo fayoqabka.

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here