HomeLatestFBIda oo baaritaan ku samaynaysa doorashadii ugu danbaysay ee golayaasha deegaanka Minneapolis.

FBIda oo baaritaan ku samaynaysa doorashadii ugu danbaysay ee golayaasha deegaanka Minneapolis.

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

FBI-da ayaa eegaysa khaladaadka doorashada ee ku xeeran habraaca xulashada u tartamayaasha xisbiga DFL ee Minneapolis ka hor doorashadii golaha deegaanka ee sannadkii hore, sida ay sheegeen labo qof oo ay laanta sirdoonka FBI da waraysatay. 

Baaritaanka FBI-da ayaa  daba socda dhamaan doorashadii 13-ka kursi ee golaha deegaanka Minneapolis. Intii lagu guda jiray  isreebreebka xisbiga laba deegaan doorasho labo deegaan doorasho ayaa hareereeyey eedaymo aan habboonayn halka mid saddexaad gacan kahadal lagu sigtay shirweynihii ansixinta.

Ma cadda baaxadda baaritaanka FBI-da.

“Siyaasadda FBI-da waa in aysan xaqiijin ama diidin haddii aan baaritaan sameyneyno,” afhayeenka  FBIda Diana Freedman ayaa ku tiri hadal ay soo saartay. “guud ahaan, eedeymaha fal-dambiyeedka waxaa dib u eegis ku sameeya FBI-da si ay mudnaantooda u helaan, laakiin dib u eegista noocan oo kale ah qasab ma aha in ay keento in baaritaan la furo.”   Minnesota Refrormer ayaa subaxnimadii Jimcaha markii ugu horaysay soo tabisay baaritaankaan. 

Labada qof ayaa u sheegay Star Tribune Jimcihii in shaqaalaha FBI-da ay wareysteen  kadib doorashadii November. Waxaa ay sheegeen in la waydiiyey su’aalo ay ka mid yihiin sida uu u shaqeeyo  nidaamka ansixinta xisbiga iyo sida hannaankaas looga faa’iidaysan karo.

Magaalada Minneapolis ee ay maamusho DFL, taageerada Xisbiga Dimuqraadiga-Farmer-Labor Party ee Minneapolis ayaa inta badan ah shaabada oggolaanshaha ugu muhiimsan ee uu musharraxa kasban karo – in kasta oo aysan lahayn miisaan sharci ah. Habraacaan, laguma kuma qasbana in ay u hogaan sharciyada gobolka ama federaalka, laakiin waxaa maamula xeerarka xisbiyada, si la mid ah ansixinta hababka xisbiyada kale.

Mid ka mid ah dadka la wareystay ayaa sheegay in baarayaashu ay doonayaan in ay helaan addaymaha suurtagalka ah  ee isdabamarinta dhacday maalinta doorashada. Baarayaashu waxay weydiiyeen  xad-gudubyada ka iman kara xuquuqda madaniga ah, iyo sidoo kale musuqmaasuq suurtagal ah. Laakin labada qof ayaa sheegay in aysan kala cadeyn inta uu la egyahay baaritaanka iyo in saraakiishu ay qorsheynayeen in ay dacwad ku soo oogaan cid kasta.

Labada qof waxay codsadeen in aan magacooda la shaacin.  Mid ka mid ah waxaa uu sheegay in FBIda ay ka codsadeen in aanu la hadlin saxaafada ; Qofka kale ayaa sheegay in aysan doonayn in aysan ku faraxsanayn in soi fagaare ah u hadasho. 

Eedeymaha

Halkan hoose waxaan ku soo koobaynaa eedeymaha si guud loo sheegay ee ku saabsan  qaladaadka dhacay xiligii doorashada:

Ward 6, musharax Kayseh Magan ayaa ku eedeeyay ninka ka soo horjeeda Tiger Worku in uu been abuuray tirinta ergada isaga  oo sameeyay ciwaanno email ah oo been si dad kale u codeeyaan booskooda.  Worku wuu diiday eeddaas. Iyadoo la eegayo eedeymahaas iyo la’aanta tarjumaan Soomaali ah,  kulanka ansixinta murashaxa waa la hakiyay. Jamaal Osman ayaa doorashadaasi ku soo baxay. 

Ward 5, guddiga fulinta ee Minneapolis DFL waxay u  diideen Victor Matrinez  in ay ka aqbalaan in ka badan 350 ergo  kaas oo la tartamayay Jemmeriah Ellison. Martinez ma uusan keenin waraaqihii asalka ahaa ee saxeexyada ergada markii xisbigu codsaday; wuu diiday inuu wax khalad ah sameeyay. Martinez iyo Ellison ayaa ku heshiiyey in la kansalo kulanka ansixinta. Ellison ayaa ku guuleystay doorashada.

Ward 10, shirweynihii ansixinta ayaa lagu hakiyay fowdo ka dib markii taageerayaasha musharax Nasri Warsame ay soo galeen masraxa  matrkii  Aisha Chughtai ay isu diyaarinaysay inay hadasho.  Xisbiga dimuquraadiga DFL ayaa ka mamnuucday Warsame inuu waligii raadiyo taageerada xisbiga.

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here