HomeJusticeShaqaale ka tirsan Sheriffka Annoka County oo lagu eedeeyay isir nacayb

Shaqaale ka tirsan Sheriffka Annoka County oo lagu eedeeyay isir nacayb

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Anoka County Sherrif ayaa baaraya habdhaqanka qof ka mid ah shaqaalaha Delta Airlines ee Minneapolis St. Paul International Airport kadib markii lagu eedeeyay Islaam nacayb iyo takoor.  Baaritaankaan ayaa yimi kadib markii vido ay galiyeen baraha bulshada uu soo jiitay malaayiin qof. 

Xafiiska Shetrrifka ayaa ka hadlay arritaan Arbacadii kadib markii ay ku iclaamiyeen X ama Twitter. Waxay sheegeen in ay egayaan dhamaan macluumaadka laga hayo afar dhalinyaro ah oo lagala dagay diyaarada kadib markii qof shaqaalaha ka mid ah uu ku eedeeyay in uu ka shakisan yahay.  Booliiska garoonka diyaaradaha ayaa wax cadayn ah ku waayay dhalintaan oo dhamaantood ah Falastiiniyiin waxayna dareemeen in la takooray. 

A Delta Airlines plane pictured at Minneapolis-St. Paul International Airport on January 10, 2024. Credit: Dymanh Chhoun | Sahan Journal

Tweetka xafiiska Sherifka ma sheegin magaca ama aqoonsiga qofka shaqaalaha ah ee dhalinta dacweeyay laakiin waxay sheegeen in ay isku sheegtay in ay ka mid tahay nabad sugida. 

“Marka ay booliiska kuu arkaan in aadan waxba ahayn, taasi waa xaqiraad” ayuu yiri Louay Adley oo ah 24 jir ganacsade ah wuxuuna ka mid ahaa afartii qof ee diyaarada lagala dagay. “Dhacdani waxay iga dhigtay in qof walbo oo garoonka jooga hadii ay yihiin shaqaale, booliis, in ay ii arkaan qof iyaga ka hooseeya.”

Adley, oo ku nool magaalooyinka Twin Cities, iyo saddex nin oo kale ayaa waxaa diyaaradda kala dagay shaqaale ka tirsan shaqaalaha diyaaradda wax yar ka dib markii ay soo degtay, waxaana albaabka su’aalo ku weydiinayay booliska oo joogay albaabka ka hor inta aan loo oggolaan in ay baxaan. 

Qoraallada twitter-ka ee xafiiska sheriff-ka kama aysan hadlin jagada shaqaalaha, laakiin waxay yiraahdeen “Akhlaaqda shaqaalaheenna waa inay noqotaa mid la socota qiyamkeena iyo siyaasadeena inagoo ilaaninayna badbaadada, u adeegiga, iyo kalsoonida shacabka.”

Afhayeen u hadlay Minneapolis-St. Paul Airport ayaa soo saaray qoraal email ah oo lagu xusay in dhalintaan aan la xidhin oo ay  bixi karaan  wakhti kasta. Ka dib markii uu la hadlay rakaabkii iyo dadkii cabashada sameeyay, booliisku waxay go’aamiyeen in aan tallaabo sharci ah loo baahnayn in la qaado.

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here