HomeJusticeWiil Soomaali ah oo lagu toogtay New Brighton Blvd Minneapolis

Wiil Soomaali ah oo lagu toogtay New Brighton Blvd Minneapolis

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Wiil dhalinyaro Soomaali ah oo 19 jir ah ayaa shalay galab dil toogasho ah loogu gaysty goob baarkinka baabuurta Target ee ku taal 1650 New Briton Blvd. Toogashada ayaa dhacday abaarahii   3:45 galabnimo ee Janawari 15-keedii. Booliiska waaxda 2aad ayaa ka jawaabay, waxayna u qaadeen cusbutaalka. 

Markii ay yimaadeen, saraakiishu waxay arkeen nin 19 jir ah oo la ildaran dhaawac halis ah.  Saraakiisha ayaa si degdeg ah ugula cararay daryeel caafimaad waxayna geeyeen Xarunta Caafimaadka ee Degmada Hennepin (HCMC). Dadaal ay sameeyeen shaqaalaha caafimaadka ayaa haddana waxaa la sheegay in dhibanaha uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Baaritaan horudhac ah ayaa muujinaya in toogashadu ay dhacday kadib dagaal gacmaha laysula tagay. Eedeysane magaciisa lagu sheegay Barqadle C/llaahi Barqadle oo 20-jir ah, ayaa loogu yimi goobta. Tuhmanaha ayaa la waraysaty kadibna waxaa loo taxaabay xabsiga degmada Hennepin, iyadoo lagu soo oogay inuu geystay dil.

Goobta waxaa soo gaaray khubaro ka tirsan waaxda dambi baarista ee booliska Minneapolis. Danbi baarayaasha magaalada Minneapolis ayaa hogaaminaya baaritaanka dilka.  

Aqoonsiga ninka dhintay, iyo sidoo kale sababta rasmiga ah iyo qaabka uu u dhintay  ayaa laga sugayaa Baadhaha Caafimaadka ee Degmada Hennepin. 

Maamulka ayaa codsanaya in qof kasta oo haya macluumaad ku saabsan dhacdada in uu kala xiriiro CrimeStoppers 1-800-222-TIPS (8477) ama u soo gudbiyo macluumaadka si qarsoodi ah onleenka www.CrimeStoppersMN.org. Cidii soo sheegta macluumaad horseeda xadhiga iyo xukunka danbiilaha waxaa  laga yaabaa inay la siiyo abaal-marin maaliyadeed.

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here