HomeLatestDoorashada Minnesota: Ololaha looga soo horjeedo madaxwayne Biden oo wacdaro ka dhigay...

Doorashada Minnesota: Ololaha looga soo horjeedo madaxwayne Biden oo wacdaro ka dhigay doorashada is reeb-reebka axsaabta

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Madaxweyne Joe Biden iyo Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa si fudud ugu guuleystey doorashooyinkooda horudhaca ah ee Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga ee Minnesota Talaadadii, taas oo ka dhigan in labadooda ay ku tartami doonaan doorashada qaranka ee November.

Wakaalada wararka ee Associated Press ayaa ku dhawaaqaday in Biden iyo Trump ay ku guulaysteen Minnesota wax yar uun ka dib markii la xiray goobaha codbixinta Minnesota ee Super Tuesday. Waxaa ay sidoo kale ku guulayteen 16 gobol oo kale oo doorashada isreeb-reebka axsaabta lagu qabtay.  

Muslimiinta reer Minnesota iyo qaar ka mid ah xisbiga dimuquraadiga ayaan u codayn madaxwayne biden, taa badalkeeda waxay u codeeyeen “uncommitted” oo ka dhigan kuuma codayn doono. Talaabadan ayay doonayaan in ay cadaadis ku saaraan Madaxwayne Bidensi uu xabad joojin ugu dhawaaqo Gaza.  Dagaalka Israa’iil ay ka wado Gaza ayaa waxaa ku dhimatay inta hada la xaqiijiyay in ka badan 30 kun oo qof oo kala bar yihiin caruur iyo haween. 

Madaxwayne Biden ayaa helay 70% codadka (170,880) halka “uncommitted” ay heleen 18.79% (45,870) sida  ku kad shabkada xoghaynta Minnesota. Xildhibaanka laga soo doorto degmada 3xaad ee Minnesota Dean Philips ayaa helay 7.7% (18,967).  Dean philips ayaa doorashada soo galay isaga oo walaac ka muujiyay da’da Biden oo hada 81 jir ah. 

A slow trickle of voters cast their ballots in the presidential primary at Brian Coyle Community Center near Cedar-Riverside on March 5, 2024. Credit: Aaron Nesheim | Sahan Journal

Muna Faarax, oo 26-jir ah, isla markaana wax ka barata Jaamacadda Minnesota, oo ku sugan magaalada Minneapolis, ayaa sheegtay inay u codaysay “uncommitted”  Gaza darteed. “Waxaan u baahanahay qof aan ahayn Joe, waan u codeeyay doorashadii hore, uma codeynayo isaga mar kale, sida ay hada wax yihiin, Trump ayaa ka fiican Joe hadda” ayay tidhi muna. 

“Biden waa inuu lahaadaa geesinimo uu ugu istaago Falastiin,” ayuu yiri Steven Hatcher, oo 55 jir ah, oo ku sugnaa Xarunta  Brian Coyle ee Minneapolis, una codeeyay “uncommitted”.

Wuxuu doonayaa in u codeeyo Biden November hadii uu si sax ah u dhaqamo kuna baaqo xabad joojin.  

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here