HomeLatestXildhibaanad Ilhaan Cumar ma aysan codayn Talaadadii, waxayna sheegtay in codbixiyayaasha “Uncommitted”...

Xildhibaanad Ilhaan Cumar ma aysan codayn Talaadadii, waxayna sheegtay in codbixiyayaasha “Uncommitted” ay aad carsan yihiin. 

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Xildhibaan Ilhaan Cumar ma aysan codeyn isreeb-reebka doorashada madaxtinimo ee Minnesota todobaadkan. Laakiin waxay u sheegtay Politico in ay fahantay halka ay ka imanayaan tirada codbixiyeyaashu u codeeyay “uncommitted” Talaadadii.  

Ku dhawaad 46,000 oo reer Minnesota ah ayaa u codeeyay Uncommitted, talaabo ay kaga soo horjeedaan madaxwayne Biden si ay ugu qasbaan in Gaza xabad joojin laga sameeyo, dagaalkaas  oo ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah. 

U oleleeyayaasha “uncommitted ayuu yoolkoodu ahaa in ay  helaan 5000 oo cod, haseyeeshee tirada intaasi aad ayay oga badatay. 

“Dadku waa ay xanaaqsan yihiin, wayna  niyad-jabsan yihiin oo murugeysan yihiin, waxay rabaan madaxweynaha inuu beddelo siyaasaddiisa,”  ayay tidhi Xil. Ilhaan Cumar iyada oo la hadlaysa jariirada Politico. “Waa ay mudaaharaadeen, waraaqo ayay qoreen, telefoono ayay direen, hadana dareenkooda waxay ku muujinayaan sanduuqa codbixinta.” 

Ololaha looga soo horjeedo siyaasada Biden ee Falastiin ayaa ka soo bilaabatay gobolka Michigan,  halkaas oo in ka badan 100,000 oo muwaadiniin ah ay dhiibteen codkooda ay kaga soo horjeedaan Biden, taas oo ka dhigan qiyaastii 13% dadka codeeyay isreeb-reebka Dimuqraadiga. 

Halkan Minnesota, saamiga codbixiyaasha ka soo horjeeda Biden ayaa gaaray 19% dadka u soo baxay doorashada hordhaca ah ee madaxweynaha DFL.

Tani waxay fariin cad u diraysaa hogaanka xisbiga Dimuquraadiga ee doorashada soo socota ee madaxtinimada dalka. Hadii Muslimiinta Minnesota iyo dadka ka soo horjeeda siyaasada Biden ee Gaza aynan codayn ama ka codeeyaan Biden, waxay halis ugu jiraan in ay lumiyaan Minnesota. Hillary Clintion ayaa Trump kaga adkaatay Minnesota 2016, qiyaastii codad gaaraya 5,000. 

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here