HomeBusinessGolaha Deggaanka Minneapolis oo ansixiyay sharciga mushaar kordhinta darawadala Uber/Lyft, Frey oo...

Golaha Deggaanka Minneapolis oo ansixiyay sharciga mushaar kordhinta darawadala Uber/Lyft, Frey oo ku hanjabay in uu diidayo.

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Golaha deegaanla m,agaalada M,inneapolis ayaa ansixiyay sharci cusub oo lagu xadidayo mushaar bixinta Uber iyo Lyft oo in mudo ahba darawaliinta ay ka cabanayeen

Golaha deegaanka magaalada Minneapolis ayaan u joojin goodiska Uber iyo Lyft ee ah in magaalada ka baxayaan hadii la ansixiyo sharciga  lagu siinayo darawalada Rideshare mushaarka ugu yar ee magaalada.   

Sagaal ka mid ah xubnaha golaha ayaa u codaysay halka afar kale ay ka soo horjeesteen, waa tiro ku filan in looga hortago diidmada qayaxan  ee Maayarka magaalada Jacob Frey balan qaaday. 

Haddii goluhu uu meesha ka saaro diidmada qayaxan ee  laga filayo maayarkla magaalada Jacob Frey, labada shirkadoo ayaa wacad in ay magaalada ka baxayaan magaalada iyo waliba Minnesota Maayo 1deeda, waa maalinta uu sharciga dhaqan galayo.  

Uber iyo Lyft kaliya ayaa haysta shatiga in ay ka shaqeeyaan Minneapolis, inkastoo dhowr shirkadood ay muujiyeen inay danaynayaan inay ka  shaqeeyaan magaalada.

Taageerayaasha sharcigaan, oo ay ku jiraan kooxo abaabulan oo darawallo ah iyo qaar ka mid ah u doodayaasha xuquuqda shaqada, ayaa sheegaya in la ansixiyay heerka ugu yar ee mushahar bixinta magalaada lana ilaaliyay xuquuqda darawalada. Shaqada Uber iyo Lyft ayaa inta badan loo arkaa in ay tahay shaqo 2aad hase yeeshee dad badan ayay u noqotay shaqada kaliya ee ay hayaan.  

“Haddii  Uber iyo Lyft tagaan oo shirkado kale oo bixinaya mushaarka ugu yar magaalada yimaadaan, waxaan aaminsanahay inay taasi guul u tahay magaaladeena,” ayuu yidhi  Jason Chavez oo ka tirsan golaha deegaanka.

Uber iyo Lyft ayaa ku dooday in mushaarka ugu yar magaalada uu aad u badan yahay taasina ay saamaynayso faa’idadooda. Waxaa ay intaasi ku dareen in ay ku dhawaad ​​laba jibaarayaan qiimaha lagu raaco, taasoo ka dhigan in rakaabku yaraado ganacsigana burburo.  

Codbixint ayaa ku soo aaday xili gobolka Minnesota uu soo saarayay warbixin sharaxaysa qaabka darawalada mushaarka loo siiyo oo u dhiganta shaqooyiinka caadiga ah.  

Isku day lagu doonayo in dib loogu dhigo codeynta golaha ilaa laga soo saaro warbixinta ay soo diyaarisay Waaxda Shaqada iyo Warshadaha ayaa lagu guul daraystay Khamiistii. 

Codbixinta ka hor, Frey ayaa codsaday in codbixinta dib loo dhigo, qiimahana yareeyaan si loo qanciyo Uber iyo Lyft, laakiin dhag jalaq looma siin.  

Sharciga la ansixiyay  Khamiista ayaa la mid ah mid uu hore diiday duqa magaalada. 

Waxaa ka soo horjeestay sharcigaan qaar ka mid ah hogaanka ururada ganacsiga iyo ururada baararka iyo maqaayadaha. Darawalada Uber iyo Lyft ayaa talaabadani aad u soo dhaweeyay. 

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here