HomeHealthNinkii lahaa eeydii Weerartay Sumeya oo dacwad lagu soo oogay

Ninkii lahaa eeydii Weerartay Sumeya oo dacwad lagu soo oogay

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Nin St. Paul degan ayaa lagu soo oogay afar dacwadood ka dib markii eeyo uu lahaa ay weerareen dhaawacna gaarsiiyeen gabar yar oo Soomaali ah oo ka soo degtay baska iskoolka 8dii Febraayo. 

Fal-danbiyeedka lagu soo oogay Marco Antonio Mendoza Landaverde oo 37 jir ah ayaa sharaxaad ka bixinaysa  eedeymaha, oo ay ku jiraan  in uu xakamayn waayay ayda kana talaalo cudurka ayda ku dhaco ama raabiyada  

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in booliiska St. Paul ay gurmad u tageen bolooga 600aad ee Van Buren Ave. wax yar ka hor 4:45 p.m.  Saraakiisha gurmadka ayaa Sumaya Faarax Cali oo 7 jir ah ugu tagay iyada oo ay nabarro kaga yaalleen wejiga iyo dhegta. Waalidka dhibbanaha dhalay ayaa booliiska u sheegay in ay guriga ku sii socotay ka dib markii ay gabadha baska ka soo dagtay. Ayda ayaa gabadha weeray, dhulka ku legday, qaniinyana ku bilaabay.   Aabaheed ayaa saraakiisha u sheegay in xayawaanku ay u eg yihiin kuwa dadka isaga deriska la ah ay leeyihiin.  

Mid ka mid ah deriska ayaa siiyey baarayaasha muuqaal ilaalo ah oo laga soo qaaday kamarad ku xirneed  albaabka gurigiisa oo duubtay dhacdada, mid kalena wuxuu sheegay in eeyaha ay leeyihiin dadka deggan 605 Blair Avenue, oo dhawaan loo aqoonsaday Landaverde.

Saraakiisha ayaa la wareegay shanta ey 9-kii Febraayo. Waxay sheegeen in Landaverde uu u sheegay inuu eeyaha siidaayay maalin ka hor mana uusan ogayn in albaabka furan yahay. Waxa uu awooday in uu bixiyo caddaynta tallaalka raabiyada laba ka mid ah shanta ay, mana haysan shati ama ogolaansho u oggolaanaysa in uu yeesho wax ka badan saddex ey markiiba.

Dhammaan shanta ey ayaa ugu dambeyntii loo aqoonsaday  inay halis yihiin waxaana ka takhalusay  St. Paul Animal Control. 

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here