HomeHealthMaxaad kala socotaa saamaynta fog ee COVID 19.

Maxaad kala socotaa saamaynta fog ee COVID 19.

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Sida aad la socotaan COVID 19 ayaa dad badan noloshooda galaaftay qaar kale oo badana isbitaalada ayaa loo seexiyay. In badan oo ka mid ah dadkii uu ku dhacay waa ay ka boskoodeen, hase yeeshee wuxuu ku reebay saamayn dheer. Saamaynta COVID ka ayay dhakhaatiirta iyo cilmi baarayaasha ku howlan ihiin in ay baaraan. Hadaba wax ka ogow saamaynta COVID ka  waxna k ogo waxyaabaha  uu qofka la kulmi karo ka dib marka uu ka bogsoodo fayraska Coronavirus ee sababa COVID. 

Astaamaha lagu garto saamaynta fog ee COVID

Maadaama fayraska sababa COVID-19 uu siyaabo kala duwan u saameyn karo qaybo  badan oo jirka ah, calaamadaha saamaynta fog ee COVID 19 siyaabom kala duwan ayuu ddku ugu dhacaa.   Dadka qaar ayaa si dhaqaso ah oga bogsooda xanuunka, qaarna wuu ku daba dheeraadaa.    

Dadka qaba COVIDka- daba dheeraada  waxaa laga yaabaa inay  arkaan hal calaamad ama qaar ka mid ah calaamadaha soo socda. 

  1. Neefsashada oo ku adkaata  ama  yaraata
  2. Daal fara badan
  3. Xasuusta qofka oo yaraata, fikirka iyo feegisnaanta oo iyagana daciifa (Brain fog). 
  4. Astaamaha xanuunada qaar oo xumaada ka dib shaqo uu qofka qabtay.  
  5. Qufac
  6. Hurdo yaraan
  7. Madax xanuun
  8. Qandho
  9. Wadno garaac.  
  10. Laabta oo xanuunta ama cidhiidhi noqota
  11. Dawakhaad ama wareer marka uu qofka istaago
  12. Murqo iyo xubno xanuun.
  13. Calool xanuun
  14. Shuban
  15.  Xanuunada maqaarka sida finan kaa soo baxa ama timaha oo daata. 
  16.  Niyad jab iyo walwal iyo walbahaar qofka dareemo. 
  17. Isbeddelka dareenka urta ama dhadhanka
  18. Caado wareer
  19. Iyo calaamado kale oo badan. 

COVID-19 waxa kale oo laga yaabaa inuu oga sii daro xanuunada sida macaanka, xinjirowga dhiiga, wadno xanuunka, iyo xanuuno kale oo badan.   

Waxaa muhiim ah in la ogaado in xaalado caafimaad oo kale ay sababti karaan astaamaha aan kor ku soo sheegnay. Mar walbo la tasho dhakhtarkaaga.   

Contribute

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here