HomeLatestXildhibaanad ka tirsan aqalka sharci dejinta Minnesota ayaa soo jeedinaysa sharci ku...

Xildhibaanad ka tirsan aqalka sharci dejinta Minnesota ayaa soo jeedinaysa sharci ku saabsan in dumarku xabadkoodu qaawin karaan. 

Date:

Related stories

DHS–Childcare Provider Dispute Escalates Over Payments and Licensing in Minnesota

MINNEAPOLIS, Minn. A dispute between the Minnesota Department of...

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday LifeA...

Xildhibaan Samantha Senser-Mura waxay aaminsantahay in sharciga anshax-xumada uu  waqtigiisu dhamaaday tahayna in wax laga badalo. 

Kadib markii xildhibaanad Samantha Senser-Mura ay maqashay in haweeney lagu xukumay 90 maalmood oo xabsi ah ka dib markii ay naasaheeda ku muujisay meel fagaare ah,  waxay dareentay inay ku dhiirato soo jeedinta sharci qoraya in muujinta naasaha dumarka aysan ahayn anshax xumo. 

“Taasi aniga waxay ila tahay runtii khalad,” ayay Senter-Mura tidhi iyada oo ka hadlaysa xukunka 90-ka maalmood ah. “Gaar ahaan hadda, oo macnaha jinsiyada uu is bedelay,  waxay ila tahay in sharcigani uu baaliyoobay.”  

Scer-Mura, oo ah Dimuqraadiyad ka soo jeeda Minneapolis, ayaa sheegtay in hindiseheedu aanay u badnayn in sanadkan la dhagaysan doono. Laakin waxa ay rajaynaysaa in ay bilaabato dooda ku saabsan waxa la ogolyahay in la muujiyo xili uu fahamka bulshada ee aqoonsiga jinsiga uu isbedelayo oo ay rajaynayso in ay hesho dhagaysi  kalfadhiyada mustaqbalka. 

Waxay xustay in wadahadalka ku saabsan sharciyeynta naasaha qaawan ay dib u soo xoojisay ka dib maqaal Star Tribune baahisay oo ku saabsan Eloisa Plancarte, oo lagu xukumay 90 maalmood oo xabsi ah ka dib markii ay xireen booliska Rochester 2021 iyada oo xabadkeedu qaawan yahay xili ay ku sugnayd baarkinka dukaan laga adeegto. 

Plancarte ayaa racfaan ka qaadatay, iyada oo ku doodaysa in xukunka uu xadgudub ku yahay xuquuqdeeda dastuuriga ah ee ilaalinta sinnaanta, sababtoo ah ragga danbi laguma soo oogo hadii ay xabadkooda qaawiyaan. Maxkamadda Racfaanka ee Minnesota ayaa bishii Febraayo  xukuntay in xukunka aan waxbo laga badalin. Labo qaadi oo rag ah ayaa u codeeyay halka hal qaadi oo dumar ahna kasoo horjeestay, sidaas ayuuna xukunkeeda ku dhaqan galay.  

Xildhibaanada ayaa ku doodaysa in hadii qof transgender ah oo hore dumar u ahaa hadana rag iska dhigay naasaha aan wali laga qalin, hadii xabadkooda ay qaawiyaan sharciga lagu qaadayo. Waxay aaminsan tahay in taasi qalad tahay sabatoo ah qofkani wuxuu isu yaqaanaa in uu rag yahay. 

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here