HomeBusinessDarawalda Uber/Lyft ee isticmaala baabuurta Herz oo loo sheegay in ay soo...

Darawalda Uber/Lyft ee isticmaala baabuurta Herz oo loo sheegay in ay soo celiyaan gawaarida.

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Shirkada baarbuurta kiraysa ee Hertz ayaa joojinaysa heshiiska ay Uber/Lyft oo u ogolaanaya darawalada Uber iyo Lyft ee  magaalooyinka Mataanaha ah in  ay wataan baabuurtooda hadii gaarigooda shil galo. 

afhayeenka Uber Josh Gold  ayaa ku sheegay email uu diray  Isniintii.”Maadaama aan joojinayno hawlgallada  Magaalooyinka Mataanaha ah, Hertz waxay joojinaysaa barnaamijkooda waxayna la xiriirtay darawallada si ay uga codsato inay bilaabaan soo celinta baabuurta,”. 

Uber waxay sheegtay inay ka baxayso magaalooyinka mataanaha ah,  Lyft dhankeeda waxay  sheegtay inay ka baxayso Minneapolis 1-da May marka uu dhaqan galo sharciga cusub ee Minneapolis ee darawalada siinaya mushaarka ugu yar.  Shirkadaha rideshare ayaa sheegaya in mushaharka uu yahay mid aad u sarreeya oo aysan ku shaqeyn karin.

 Hert ayaa  emailo u dirtay darawalada magaalooyiinka mataanaha ah  una sheegtay inay u baahan yihiin inay baabuurta ku celiyaan  xarumaha baabuurta Herz laga kiraysto ee St. Paul iyo Brooklyn Center.

Shirkada Lyft ayaa  sheegay in darawaladu baabuurta soo celinayaan ugu danbayn Abriil 24keeda.  

Darawalada Uber iyo Lyft ayaa isku dayaya in dhankooda ay samaystaan Rideshare app oo darawalda leeyihiin. Waxay doonayaan in ay buuxiyaan shaqadii Uber ay u qabanaysay. Waxaa kale oo iyana jira shirkado kale oo yar yar oo doonaya in ay ka faa’idaystaan fursadaan cusub. 

Mustafe oo ah ganacsade Soomaaliyeed ayaa la yimid shirkada Hichs oo ka howl gasha Kanada. Wuxuu sheegay in uu samaynayo ganacsi ku dhisan damiir.  Darawaladu waxay bixinayaan $200 bishii ama $10 maalintii, waxa ay shaqaystaana iyaga ayaa  lahaan doona si buuxda,  sida uu noo sheegay Mustafa oo ah agaasimaha shirkada Hichs. 

Dagaalka u dhaxeeyo shirkadaha Uber/Lyft iyo darawalda ayaa ah mid sii socon doona ugu yaraan dhawrka bilood ee nagu soo aadan. 

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here