HomeLatestQorax Madoobaadka ka dhacaya Minnesota iyo waxa la gudboon Muslimiinta

Qorax Madoobaadka ka dhacaya Minnesota iyo waxa la gudboon Muslimiinta

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Daruuro fara badan oo kor heebaabaya magaalooyinka mataanaha ah ayaa ka dhigaysa in mid adag qorax madoobaadka si toos ah loo arko.  

Minnesota kuma jirto goobaha laga arki karo qorax madoobaad dhamaytiran   oo qorraxda oo dhan uu dayaxu xannibi doono saddex ilaa afar daqiiqo. Laakin ku dhawaad saddex meelood meel ayay qoraxda qarsoomi doontaa  marka la gaaro  meesha ugu sarreysa ee dayax madoobaadka abaarihii 2:02 duhurnimo, taasoo  ka dhigan in ku dhawaad 80% koonfurta bari ee Minnesota, sida ay sheegtay NASA. 

Laakiin taasi waxay suura gal tahay kaliya haddii daruuruhu nadiif yihiin. Adeegga Cimilada Qaranka ayaa siinaya magaalooyinka Mataanaha ah  kaliya 19% fursad ay ku arkaan qorax madoobaad dhamaystiran  tan iyo 2017. Fursada lagu arki karo ayaa intaa ka sii hoosaysa waqooyiga Minnesota, iyada oo wax ka yar 10%  ay haystaan meelaha ay ka mid yihiin Fargo iyo Grand Forks, ND. Duluth iyo Falls International ayaa haysta fursad gaaraysa 10%.

Cedar Rapids iyo Des Moines  Iowa  ayaa haysta  80% fursad ay ku arkaan dhacdadaan naadirka ah.  Chicago ayaa ayaa iyana haysata 95% sababtoo ah hawada sare ayaa nadiif ah oo wax daruura ah ma jiraan. 

 Matxafka Sayniska ee Minnesota iyo Jaamacadda Minnesota ee Bell Museum waxay martigelin doona in ay dadka u soo bandhigaan sida ay qorax madoobaadka u dhacayo.  

Culumada Soomaaliyeed ee Minnesota ayaa ugu baaqay Muslimiinta in ay oogaan salaada sunnada ah ee qorax madoobaadka xiliga ay dhacdada socoto. Sh Yusuuf Cabdulle oo ah madaxa Isutaga Muslimiinta ee Waqooyiga Maraykanka ayaa ugu baaqay immamyada iyo bulshada Soomaaliyeed in ay camiraan masaajida ilaahayna la baryo in ay qorax madobaadka socoto. 

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here