HomeLatestWaa Goorma Maalinta Ciida?

Waa Goorma Maalinta Ciida?

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Waxaa laga yaabaa in dad badani ay is waydiinayaan tolow barito ma ciid baa? Halkan hoose ka akhriso jawaabta.

Qatar iyo Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay in aan la arkin bisha Shawaal, maalinta berri oo ah Talaado ay tahay in la dhameystirayo bisha Ramadaan, Arbacadana ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga.

Wakaalladda Wararka Qatar ayaa sheegtay in Guddiga raadinta bisha ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Islaamka ay ku dhawaaqeen in berri oo Talaado ah taariikhduna ay ku beegan tahay 9-ka bisha Abriil ay tahay maalinta ugu danbaysa ee bisha barakeysan ee Ramadaan, isla markaana bari danbe oo ah Arbaco ay tahay Ciidul Fidri.

Sidaana waxa lagu sheegay war-murtiyeed ay Guddidu ka soo saareen shirkoodii caawa fiidkii ka dhacay xarunta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Islaamka.

Inta badan dalalka Islaamku waxa ay ictimaadaan aragtida bisha iyafga oo ku dhaqmaya xadiiska nabiga – naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye – “Aragti ku sooma, aragtina ku afrura, hadii lidiinka qariyo bisha dhamaystira 30ka maalmood.”

Xigasho: Aljazeera qaybta carabiga.

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here