HomeBusinessGolaha Deegaanka Minneaplis oo u codeeyay in dib loo dhigo dhaqan-galka sharciga...

Golaha Deegaanka Minneaplis oo u codeeyay in dib loo dhigo dhaqan-galka sharciga mushaarka u kordhinaya darawalada Uber iyo Lyft

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Golaha deegaanka Minneapolis ayaa si aqlabiyad  ah ugu codeeyay maanta oo khamiis ah in dib loo dhigo  taariikhda dhaqangalka sharciga Uber/Lyft. Sharcigaan oo mushaarka u kordhinayay darawalada ayaa la filayay in uu dhaqan galo 1da Maayo hase yeeshee waxaa dib loogu dhigay ilaa 1da Luuliyo. Labada bilood ayaa fursad siinaya shirkadaha cusub ee doonaya in ay suuqa soo galaan  hadii Uber iyo Lyft ay ka baxaan Minneapolis. Uber iyo Lyft ayaa ku goodiyay in ay ka baxayaan Minneapolis hadii sharciga la dhaqan galiyo. 

Haseyeeshee, golaha ayaa ku kala qaybsamay labo sharci oo kale oo la soo jeediyay. Labada hindise oo kala ah in sharcigii hore gabi ahaanba meesha laga saaro iyo in ujrada hoos loo dhigo, ayay goluhhu ku guulaysan waayeen in la ansixiyo.  

 Andrea Jenkins oo ka tirsan golaha ,  markii horena  taageeray in laga dhigo mushaarka  ugu yar ee darawallada $1.40 halkii mayl iyo 51 senti daqiiqaddii, ayaa ku boorisay golaha inay dib u eegaan ujrada.

Duqa magaalada Frey ayaa isniintii isugu yeedhay ururada hoteelada, dalxiiska, naafada iyo bulshada rayidka si ay ugu booriyaan golaha in ay dib ugulaabtaan sharciga si ay u siiyaan darawaliinta khidmad sare oo dhexdhexaad ah Uber iyo Lyftna ay aqbali karaan. 

Daraasad ay samaysay Waaxda Shaqada iyo Warshadaha ee gobolka ayaa lagu agaaday in 89 senti maylkiiba iyo 49 senti daqiiqadiiba ay gaarayso mushaarka ugu yar ee Minneapolis oo ah $15.57 saacadii. Frey waxa uu sheegay in uu doonayo in goluhu meel mariyo xeer la socda daraasadaas.

Xeerkii hore ee golaha oo ay  qoreen Xubnaha Golaha Robin Wonsley, Jason Chavez iyo Jamal Osman, waxa lagu  saleeyay daraasad bishii Juun 2023 o  ay samaysay Qaybta Siyaasadda iyo Cilmi-baadhista ee magaalada, taas oo eegaysay xogta mushaharka isbarbardhigga ah ee Seattle iyo New York.

Daraasada gobolku aad bay u xoog badnayd, iyada oo la falanqeeyay 18 milyan oo raacid Minnesota laga soo bilaabo 2022. Si kastaba ha ahaatee, xubnaha golaha Minneapolis ayaa tilmaamay in xogta daraasadda gobolku aanay gaar u ahayn Minneapolis. Waxay sheegeen in aaga Metro oo ay ku jirto Minneapolis uu qiimaha shidaalka ka sareeyo gobolka intiisa kale qiyaastii  $441. 

“Ma gaadhno go’aanno ku salaysan siyaasad, ama caadifo mana iska dhahno waxaan doonaynaa nambarkaan kana ma doonayno,” ayay tidhi Aurin Chowdhury iyada oo ka hadlaysay shir ay kaga hadlaysay suurtagalnimada in wax laga beddelo xeerka la ansixiyay. “Waxaan u baahanahay inaan helno xog iyo macluumaad taageeraya go’aamo kasta oo aan sameyno  hay’ad ahaan… sababtoo ah ma dooneyno inaan helno qiime ka hooseeya $15.57 mushaharka ugu yar.”

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here