HomeLatestArday taageero u muujiyay Falastiin oo xabsiga loo taxaabay

Arday taageero u muujiyay Falastiin oo xabsiga loo taxaabay

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Booliiska Jaamacada Minnesota ayaa xidhay sagaal qof ka dib markii ay ka qayb galeen mudaaharaad lagu taageerayo Falastiiniyiinta loogana soo horjeedo dagaalka ka socda Gaza. 

Muqaal iyo sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay arday teendhooyiin ka dhistay Northtrup Mall oo ku yaala xaramka jaamacada ee Twin Cities. Waxaa ay goobta imaadeen  4tii subaxnimo waxayna wateen boodhadh ay ku muujinayaan taageeradooda reer Falastiin. 

Qoraal ay jaamacada soo saartay ayaa lagu sheegay in mudaaharaadayaasha loo sheegay in ay faarujiyaan goobta 7 subaxnimo hadii kale la xiri doono. Inta badan ardayda way kala tageen hase yeeshee sagaal ka mid ay ayaa ka dhaga adeegay.  Bayaanka jaamacada ayaa lagu sheegay in ay “ taageerto oo ay ixtiraamto xoriyatul qawlka iyada oo loo marayo mudaharaad sharci ah”.

Waxaa xusid mudan in Jaamacadaha dalka Maraykanka   ay ka socdaan mudaaharaadyo lagu taageerayo dadka reer Falastiin loogana soo horjeedo dagaalka waxaana ka mid ah   Yale University, Colubia iyo qaar kale oo badan.

Masuuliyiinta jaamacada ayaa wajahaya cadaadis sidii ay ku dheeli tiri lahaayeen xuquuqda xoriyada hadalka ee ardayda iyo shaqaalaha iyo sidii ay u ilaalin lahaayeen xuquuqda ardayda kala isirka ah. 

Xildhibaanad Ilhaan Cumar gabadheeda Isra Hirsi ayaa ka mid ahayd arday la xiray xili ay ka mudaaharayeen xaramka jaamacada ku taala New York. 

 Wazaarada waxbarashada  Maraykanka ayaa ku sheegtay warbixin ay soo saartay inay sare u kaceen cabashooyinka  Islaam nacaybka iyo Yuhuud nacaybka  tan iyo weerarkii 7-dii Octobar ee Xamaas  iyo duqayntii Israa,iil ee Gaza.  

Qaar ka mid ah ardayda Jaamacada Minnesota ayaa  qorshaynaya mudaaharaad kale  galabnimadii Talaadada si ay  u xoojiyaan taageerada Falasiin ogana hadlaan xariga ardayda loo gaystay.  

Dhaqdhaqaayada isbadal doonka ah ee ka dhaca dalka Maraykanka ayaa inta badan ka bilowda jaamacadaha kuna fida dalka intiisa kale. Malaga yaabaa in dhadhaqaaqa ardayda jaamacadaha Maraykanka ay keenaan isbedel ku saabsan siyaasada arimmaha dibada  Maraykanka  ee Israa,iil. Waqtiga ayaa ka jawaabi doona su’aasha. 

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here