HomeCommunity and CultureLabo kafaale qaade oo Oromo ah ayaa ku guulaystay in ay keenaan...

Labo kafaale qaade oo Oromo ah ayaa ku guulaystay in ay keenaan qof aysan aqoon iyaga oo u maraya habka loo yaqaan Group 5

Date:

Related stories

DHS–Childcare Provider Dispute Escalates Over Payments and Licensing in Minnesota

MINNEAPOLIS, Minn. A dispute between the Minnesota Department of...

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday LifeA...

Mohamed Dawit ayaa in muddo ah ku taamayay in uu caawiyo qaxootiga ku cusub dalka Maraykanka sababtoo ah wuxuu og yahay xaalada uu isaga soo maray. Dad badan oo soo galooti ayaa iyagana doonaya in ay keenaan eheladooda ku jira xeryaha qaxootiga. 

Ka dib markii ay soo baxday fursada Welcome Corps ama Group 5 aad ayuu u farxay isla markiina wuxuu ka shaqeeyay sidii uu qof uun ku keeni lahaa. 

“Waxaan had iyo jeer ka hadalnaa sidii aan u caawin lahayn dadka kaqaxay  guryahoodii,” Maxamed ayaa yidhi. “Sideen dadka u badbaadin karnaa dadka ku jira xaaladdii aan ku jirnay ee weli halkaas ku sugan?” 

Maxamed iyo qoyskiisa ayaa ka soo qaxay dagaalkii sokeeye ee Ethiopia wuxuuna mudo sideed sano ah ku jiray xeryaha qaxootiga ee Kenya. Waxaa uu yimi Maraykanka 1999. 

Robsan Yuusuf wuxuu ku noolaa xero qaxooti muddo shan sano ah isaga iyo hooyadiis iyo walaalihiis, dhibaato badan ayuuna kala kulmay sidii uu Maraykanka ku iman lahaa.  Markii uu ka war helay Welcome Corps, waxa uu gacan ka gaystay in la sameeyo shir ay isugu yimaadaan xubnaha kale ee bulshada Oromada oo lagu qabtay goob lagu qaxweeyo.

Waxay ku guulaysteen in ay isku duba ridaan koox ka kooban lix qof, lacagtiina uruuriyaan. Riyadoodii ayaa u dhabawday waxayna keeneen  Mathias Shimirimania. 

Mathias Shimirimana, oo 38 jir ah, ayaa bishii Luulyo ee la soo dhaafay yimid Mareykanka, isagoo ka yimid xero qaxooti oo ku taal Zimbabwe. Asal ahaan waxa uu ka yimid Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Shimirimana waxa uu ku noolaa xero qaxooti ku dhawaad 15 sano. Hadda waxa uu ku nool yahay St. Paul oo waxa uu ka shaqeeyaa  makhaayad.

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here