HomeLatest Canshuur-Celinta cusub ee caruurta gobolka Minnesota waxaa u qalma in ka badan...

 Canshuur-Celinta cusub ee caruurta gobolka Minnesota waxaa u qalma in ka badan 300,000 oo qof. Yaa ka mid ah?  

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Canshuur celintaan cusub ayaa qayb ka ahayd biilka canshuurta gobolka ee sannadkii hore la ansixiyay waxayna caawin doontaa ku dhawaad 300,000 qoys oo dakhligoodu hooseeyo inay helaan  kumanaan doolar marka ay canshuurta xaraynayaan sanadkaan. 

Sida ku cad biilka Walz  uu axiixay, qaar ka mid ah dadka reer Minnesota waxay heli donaan canshuur celin gaaraysa  $1,750 ilmo kasta marka ay canshuurta   2023 xaraynayaan. Sharci-yaqaannada ayaa rajeynaya inay hoos u dhigi doonto saboolnimada carruurta saddex-meelood meel.

“Haddii ay saboolnimada caruurta hoos u dhigayso boqolkiiba 33 sida ay sheetay Jaamaca Columbia, qof walba oo u qalma waa in uu xareeyaa canshuurta,”  ayuu yiri Guddoomiyaha Canshuuraha ee Minnesota Paul Marquardt.

Si aad u hesho lacagtaas , waxaa ku xadidaya dakhliga ku soo gala. Hadii qofku kaligiis yahay, dakhligiisuna ka badan yahay   $29,500 ama xaas yahay dakhligooduna ka badan yahay $35,000 uma qalmaan lacagtaan.

Gud. Walz ayaa  sheegay in $400 milyan oo cashuur celinta ah ay dib ugu noqonayso dhaqaalaha gobolka iyadoo qoysas badan ka caawinayso dhaqaalaha. 

“Lacagtani waxaa  helaya qoysaska doonaya inay kabo ka iibsadaan dukaanka xaafadooda,” Walz ayaa ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Prepare + Prosper, oo ah diyaariye cashuureed oo aan faa’iido doon ahayn. “Waxay taayarada ka iibsanaysaa dukaanka taayarrada xaafadda. Waxay ku iibsanaysaa kuleyliyaha biyaha dukaanka Lowe’s ama meel kasta oo aad tagto.”

Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo buuxinta cashuurahaaga, xafiiska guddoomiyaha gobolka ayaa sheegay in ay jiraan in ka badan 170 goobood oo dadka ka caawiya xaraynta canshuurta. 

Dadaalo canshuur dhimis ayaa ka socda xaga dowlada Federaalka. Aqalka sare ayaa tix galinaya in uu meel mariyo sharci cusub oo bixinaya canshuur dhimis. 

Khubaro badan ayaa ku dhiirigelinaya qoysaska inay sugaan xaraynta cashuurta ilaa isbeddelladaas la dhammeeyo si aanay u badalin canshuurtii ay xareeyeen. 

Canshuur celnta Federaalku waxay noqon doontaa hadii la ansixiyo, $1,800 2023, $1,900 sanadka soo socda iyo ugu danbayn $2,000 ilmihiiba cashuuraha 2025.

Ma cadda in sharcigaasi uu ka gudbi  doono aqalka sare. 

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here