HomeCommunity and CultureGabar Soomaaliyeed oo dhaawacyo culus soo gaareen kadib markii eeyo weerareen

Gabar Soomaaliyeed oo dhaawacyo culus soo gaareen kadib markii eeyo weerareen

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Gabar Soomaaliyeed oo  7 jir ah ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus ka dib markii ay weerar ku qaadeen koox eeyo ah magaalada St. Paul habeenkii Khamiista.

Sida laga soo xigtay booliiska, gabadha yar ayaa ka soo baxaysay halka baska istaago waxayna la socotay hooyadeed  meel u dhow 600 block of Van Buren Avenue ee St. Paul, markii koox eeyo ah ay ka soo baxeen mid ka mid ah daaradaha kadibna weerar ku qaadeen  gabadha.

Booliiska ayaa goobta soo gaaray wax yar ka hor 5-tii galabnimo. Booliiska ayaa sheegay in nin wanaagsan oo goobta ka agdhawaa uu kala cayriyay ayda. 

Gabadha ayaa dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen madaxa iyo lugaha, waxaana booliisku ay sheegeen in loo qaaday isbitaalka carruurta. Gabadha waxaa gaaray dhaawac culus balse xaaladeedu waa ay degan tahay.  

Hooyada dhashay gabadha oo warbaahinta la hadashay  ayaa tirisay dhaawacyadeeda: “Eydu meel walba way ka qaniineen, bowdadeeda, wejigeeda, sankeeda, dhegaheeda,  waa wax lala yaabo, waxaa lii sheegay in qayb weyn oo dhegteeda ah  ay maqan tahay… Mar kasta oo  aan isku dayo inaan mid celiyo, kuwa kale ayaa soo weerarya.” 

dowlada ayaa sheegtay in qofka markii hore soo wacay uu sheegay in shan ilaa todobo eey ay ku lug lahaayeen weerarka oo ay ku tilmaameen inay u waynaayeen sida dibi oo kale.

 John Albert oo meesha ka agdhawaa, ayaa la hadlay FOX 9, isagoo sheegay, “Waxaan qiyaasayaa in weerarku ka dhacay halkan … oo ay ka qaniineen wejiga, ka dibna waxay sidoo kale ka qaniintay madaxa dhabarka, kadibna waxay ku lagadeen dhulka. Waxaan aaminsanahay in boorsada dhabarka ay ku wadatay wax badan ka difaacday ,waxa laga yaabaa inay ka sii xumaan lahayd.

Kaamirada ilaalada ee deriska ayaa duubtay dhacdada oo dhan booliiskuna  baaritaan ayay wadaan.  

Sgt. Mike Ernster oo ka tirsan Waaxda Bilayska ee St. Paul ayaa sheegay in baadhayaashu ay la hadleen qareennada magaalada iyo degmada labadaba si ay u go’aamiyaan dembiyada ka dhalan kara marka ay ogaadaan eyda iyo dadkii lahaa.  

Warbixin cusub oo laga helay booliiska ayaa sheegaysa in dhamaan shantii eyood lagu wareejiyay St. Paul Animal Control, qofkii lahaana uu la shaqaynayo booliiska. 

GoFundMe ayaa la sameeyay si ay Sumaya Faarax Cali loogu caawiyo inay ka soo kabsato weerarka.

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here