HomePolitics and LeadershipPoliticsCalanka cusub ee Minnesota oo aad ugu eg kuwa maamul goboleedyada Soomaaliya....

Calanka cusub ee Minnesota oo aad ugu eg kuwa maamul goboleedyada Soomaaliya. Miyaa la qaadan doonaa?

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Gudi ka kooban 13 xubnood oo loo xilsaaray in ay ka shaqeeyaan soo saarista calanka cusub ee Gobolka Minnesota ayaa goaan ka gaaray nooca calanka cusub ee soo socda. Calanka cusub ayaa astaan u noqon doona gobolka waxaana ka dhex muuqan doona xidgta waqooyi ee sideed geesood ah. 

Guddi loo xilsaaray dib-u-qaabaynta astaamaha u taagan gobolka ayaa jimcihii go’aamiyay naqshadii ugu danbaysay iyaga oo meesha ka saaray labo naqshadood oo kale oo finaalka soo gaaray.  Gudigaan ayaa qorshaynaya inay kulmaan  usbuuca soo socda si ay uga fiirsadaan kala duwanaanshaha midabada iyo qaababka kama dambaysta ah iyagoo isku dayaya inay ka gaarsiiyaan Janaayo 1deeda oo ah, xiliga kama danbaysta ah ee loo qabtay in ay keenaan calan cusub. 

Xubnaha gudigaan ayaa u riyaaqay in ay isku raaceen hal calan, iyaga oo qiray in qaar ka mid ah dadka reer Minnesota laga yaabo inaysan isla markiiba aqoonsan calanka cusub

“Waxaa xaqiiq ah in jiilka soo socda  ay la korayaan calan cusub, ”  ayuu yiri guddoomiyaha guddiga Luis Fitch. “Ma awoodno inaan qof walba ka farxino. Waxaan ku dadaalay tan iyo maalitaan sahqada bilownay hubinta inaan [abuurno] calan na mideeya halkii aan  keeni lahayn mid na qaybiya.”

Gudiga ayaa xal kama danbays ah ka gaaray shaabada rasmiga ah ee gobolka. Qabaa’ilada Hindida asalka ah ayaa aad u dhaleeceeyay shaabadii hore ee gobolka una arkayay in ay tahay mid ku dhisan midabtakoor. Shaabada cusub ayaa waxaa ka dhex muuqda boolo-boolo indho casaan ah leh oo dul taagan mid ka mid ah harooyiinka Minnesota oo ay ku hareeraysan yihiin geedaha sanuubar (Pine trees), Xiddigta Waqooyi iyo bariis-duureed. Sawirka boolo boolada korkeeda waxaaku qoran: “Mni Sóta Makoc̣e,” oo ah luqada Dakota micnaheeduna yahay “dhulka ay biyuhu muujinayaan cirka.”

Guddiga dib u habeynta calanka oo ka kooban 13 xubnood oo ay soo dhiseen sharci-dejintu kal-fadhigii hore, waxay haysteen afar bilood oo keliya iyo miisaaniyad dhan $35,000 si ay hawshooda ugu dhameeyaan. Waxay dadwaynaha Minnesota ka codsadeen in ay fikradooda ka dhiibtaan. Waxaa loo soo gudbiyay 2,600 oo calan.  Guddiga ayaa liiskaas ku soo koobay lix calan, ka dibna saddex calan.

Dood dheer ka dib, gudiga ayaa go’aamiyay in calanka cusub ay ka muuqdo xidigta-waqooyi ee sideed geesoodka ah taas oo ka muuqan doonta golaha sharci-dejinta Minneota. Xaga qaabka calanka, waxaa soo jiitay nashqada qaabka gaarka ah ee Minnesota sababtoo ah waa mid la aqoonsan karo, iyagoo raacaya mabaadi’da naqshadaynta calamada.

Naqshada Andrew Prekker, oo 24, jir ah ayaa sameeyay Naqshada calanka la xushay walow oo isbedel aan badnayn lagu samayn doono.

Calamadii la diiday ayaa xuquuqda lahaanshaha dib loogu celiyay dadkii sameeyay. Sida sharciga ah, Gobolka ayaa iska leh xuquuqda wax walbo oo loo soo gudbiayay haseyeeshee, waxay tix galiyeen codsiga dadka qaar oo sheegay in ay doonayaan in ay siyaabo kale u isticmaalaan. Qaar ka mid ah calamadaas ayaa lagu naqshadeeyay funaanadaha la xirto. 

Calanka cusub ayaa ka baban doonaa State Capitolka maalinta xuska asaaskii Minneota guga soo socda hadii aynan golaha sharci dejinta diidin. 

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here