HomePolitics and LeadershipPoliticsGudiga naqshadaynta calanka cusub ee Minnesota oo go'aan kama danbays ah soo...

Gudiga naqshadaynta calanka cusub ee Minnesota oo go’aan kama danbays ah soo saaray.

Date:

Related stories

DHS–Childcare Provider Dispute Escalates Over Payments and Licensing in Minnesota

MINNEAPOLIS, Minn. A dispute between the Minnesota Department of...

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday LifeA...

Ka dib bilooyiin badan oo dood ah iyo kumanaan naqshadadood oo ay dadwaynaha soo gudbiyeen,  Minnesota ayaa yeelatay calan cusub oo astaan u noqon doona gobolka.  

Guddiga loo xilsaaray dib u habeynta astaamaha gobolka ayaa ku heshiiyay nashqada kama danbaysta ah maanta oo Talaado ah.  Calanka cusub ayaa leh qariirada Minnesota, buluug barax tiran, dushana ku leh xiddig siddeed geesood ah oo woqooyi u jeeda.  Naqshada oo la fudaydiyay ayaa sidoo kale leh qayb adag oo buluug khafiif ah si ay u matasho biyaha Minnesota.

“Waxaan diirada saarnay waxa naga sooci kara calamada kale,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Dib-u-qaabaynta Astaamaha Gobolka, Luis Fitch, oo jeediyay khudbad  uu ku taageerayay naqshadda kama dambaysta ah, isagoo xusay in calanka ay ka muuqdaan buluug ad oo u taagan biyaha Minnesota ee wabiga Mississippi.   

Soo saarista naqshadaan ayaa ka dhigaysa in gudiga ay ka gaarsiiyeen xiliga kama danbaysta ah ee sharci dejinta u qabatay in ay ku sameeyaaan  calanka iyo shaabadda rasmiga ah ee Minnesota ka hor 1da janaayo, 2024. Gudiga ayaa haystay afar bilood iyo miisaaniyad dhan $35,000 si ay dib-u-habayn buuxda ugu sameeyaan calaamadaha gobolka markii ugu horreysay muddo 100 sano ka badan.

Qof kastaa kuma qanacsanayn xulashada  kama dambaysta ah ama habraaca loo maray. Laba xildhibaan oo ka tirsan gudiga haseyeeshee aan cod lahayn ayaa qorshaynaya in ay soo gudbiyaan sharci faraya in nashqada kama dambaysta ah cod dadwayne la galiyo, inkasta oo ay jiraan su’aalo ku saabsan in taasi dastuuri tahay iyo in kale.

“Howshani waxaa ay ahayd in ay qaadato wakhti dheer, in dhamaan reer Minnesota laga qayb galiyo ayay ahayd”   ayuu yiri Rep. Bjorn Olson, R-Fairmont.

Calanka cusub ayaa ah nooc uu soo gudbiyay Andrew Prekker, oo 24 jir deggan Luverne, oo wax yar uun laga badalay.  

Naqshadaynta asalka ah ee Prekker waxaa ku jiray qariirada gobolka iyo Xiddigta Waqooyi ee cad ee ku xigta diilin cad, cagaar iyo buluug   oo matalaya barafka, beeraha iyo biyaha gobolka. Laakiin badi xubnaha gudiga waxay door bideen in la baabi’iyo xariijimaha kuna bedelaan midab buluug ah oo adag si ay naqshadda oga dhigaan qaabka ugu fudud.

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here