HomeBusinessGudigii G. Walz u xilsaaray arrinta Uber/Lyft maxay isku mari la'yihiin?

Gudigii G. Walz u xilsaaray arrinta Uber/Lyft maxay isku mari la’yihiin?

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Guddiga gaarka ah ee Gov. Tim Walz ee  loo xilsaaray In ay ka shaqeeyaan xal u helida muranka hareeyay ujrada darawalada Uber iyo Lyft  ayaa waxyaabo badan isku diidan xili waqtiga kama danbaysta ah ee talooyiinka loogu gudbin lahaa Walz ay soo dhawaatay.  

Guddigaan ayaa looga fadhiyaa in ay Walz u gudbiyaan talooyiinkooda  1da Janaayo 2024, si ay uga caawiyaan Sharci-dejinta 2024 sidii  ay u soo saari laheen  sharci lagu maamulo mushaharka iyo ilaalinta goobta shaqada darawallada rideshare. Guddigaan waxa ay kulmayaan hal mar oo kale—Disembar 19—keeda ka  hor inta aan la gaarin waqtiga kama dambaysta ah.

Daqiiqado ka hor inta aysan shirin galabnimadii Talaadada, xubnaha gudigaan gaarka ah ee ka kooban  SEIU Local 26 iyo Minnesota Uber/Lyft Drivers Association (MULDA) ayaa qabtay shir jaraa’id oo ay ku shaaciyeen  soo jeedintooda. 

“Waxaan diyaar u nahay in aan wadaxaajood galno, kana hadalno sidii aan xal u heli lahayn”  ayuu yiri Eid Ali,  gudoomiyaha MULDA.

Walz  ayaa dhisay gudigaan todobaadyo kadib markii uu diiday in uu saxiixo sharci dabayaaqadii bishii May kaas oo Sharci dejinta Minnesota meel mariyeen  oo mushahar kordhin loogu samayn lahaa darawalada gobolka oo dhan.

Tan iyo markii gudigaan howsha bilaabeen, darawalada qaar ayaa ka go’ay MULDA waxayna hadda dalbanayaan in wakiil loogu daro gudiga wada xaajoodka, iyo sidoo kale in gudiga  Minneapolis ee  ka shaaynaya sharciyada magaalada ee kordhinta mushaharka rideshare lagu daro.

Ciid ayaa qiray Talaadadii in qaar ka mid ah xubnihii hore ee MULDA ay ka baxeen, laakiin wuxuu sheegay in inta badan darawaladu ay midaysan yihiin.  

“Waxaan haysanaa kalsoonida  boqolkiiba boqol  dhammaan darawalladii nala joogay labadii sano ee la soo dhaafay, wax walbana waxay u muuqdaan kuwo aad u wanaagsan,”  ayuu yiri Ciid.

Qareenka MULDA Stephen Cooper ayaa sheegay in xubnihi hore ay hadda la baxayaan magaca ” MULDA Members,”  kaas oo abuuraya jahwareer.  

MULDA Members ayaa carqaladeeyay  shirkii hore ee guddiga, laakiin ma aynan iman  Talaadadii.  

Xubnaha gudiga gaarka ah ee Walz  ayaa talaadadii ka dooday daah-furnaanta mushaharka, taageerada darawalka, iyo nidaamka cadaaladda ee la xidhiidha hawl-joojinta, taas oo ah marka shirkadaha rideshare ay ka saaraan darawallada aaladahooda arrimo ay ka mid yihiin ra’yi celinta macmiilka. Guddigan ayaa sidoo kale ka hadlay sidii darawallada lacag loogu siin lahaa ku laabashada halkii ay ka yimaaddeen ka dib marka ay dejiyaan macmiilka, iyo arrimo kale oo hufan oo ku saabsan mushaharka.

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here