HomeEducationKadib cadaadis ka yimi waalidiinta, Dugsiyada dadwaynaha Minneapolis oo ka laabtay go'aankii...

Kadib cadaadis ka yimi waalidiinta, Dugsiyada dadwaynaha Minneapolis oo ka laabtay go’aankii ay ku jari lahaayeen barashada Afka Hooyo

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Dugsiyada dadwaynaha magaalada Minneapolis ayaa ka laabtay go’aankoodii ay ku joojinayeen barashada Afka-Hooyo oo ay ku jiraan afafka Soomaaliga iyo Hmong. Waxaa ay jareen qaar ka mid ah macalimiintii dhigayay iyo maamulkii ka shaqaynayay in Manhahka Afka-hooyo ka hir galo degmada. Maamulka degmada ayaa sabab oga dhigay dhaqaalo yari soo wajahday degmada. 

Cadaadis ka yimi dadwaynaha gaar ahaan waalidiinta Soomaalida iyo Hmong oo ay weheliyaan shaqaalaha Soomalida ah ee ka shaqeeya degmada ayaa ku qasbay in ay ka laabtaan go’aankooda. 

Maareeyaha guud ee dugsiyada dadwaynaha magaalada Minneapils Dr. Sayles Adams ayaa ka sheegtay kulankii gudoonka degmada talaadadii in go’aankaasi laga laabtay. Dr. Adams ayaa raali galin buuxda ka bixisay jahwareerka. 

Waxaa ay gudoonka hortiisa ka tidhi “Lama jari doono shaqaalaha degmada ee isku dubarida barashada Afka-hooyo iyo kuwa ka shaqeeya qaadashada shahaadada Seals. Seals waa shahaado ay bixiso waaxda waxbarashada ee Minnesota.” 

Jeffery Ting, of the Coalition of Asian American Leaders, attends a Minneapolis School Board meeting to show support for the district’s Heritage Language Program on March 12, 2024. Credit: Aaron Nesheim | Sahan Journal

“Ka raali ahaada jahwaereerka iyo walwalka buslhada ku dhacay labadii usbuuc ee la soo dhaafay.”

Ka laabashada go’aanka ayaa yimi ka dib markii ay cadaadis kala kulmeen waalidiin iyo macalimiin jaamacadeed oo is abaabulay iyo waliba su’aalo adag oo uu waydiiyay Abdul Abdi oo ah gudoomiyaha  gudiga dhaqaalaha lagana soo doorto degmada 1aad. 

Deeqa Muhiyidiin ayaa talaabadani ku tilmaamtay in ay tahay wixii ay ku taamaysay. “In ka yar hal usubuuc, waalidiinta waxay awood u yeesheen in ay u doodaan xaqooda soona dhacsadaan.” Deeqa waa isku dubaridaha manhajka barashada Af-ka Soomaaliga waxayna ka mid ahayd shaqaalihii jagadooda la gooyay.  

Inkastoo la soo celiyay dhamaan shaqaalihii ku hawlanaa barida iyo isku-duba ridka barashada Afka-hooyo, waxaa wali la hubin halka uu ku danbayn doono agaasimaha guud ee waaxda luqadaha badan “Multilingualka”  Muhidiin Warfaa.  Soomaalida ayaa wali wada dadaalkooda ay ku doonayaan in ay badbaadiyaan jagada Muxiyidiin sababtoo ah waa maskaxda ka danbaysay in manhajka Soomaaliga lagu daro manaahijta degmada. 

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here