HomeJusticeLabo Boolis iyo qof ka mid ah shaqaalaha dabdamiska oo la dilay

Labo Boolis iyo qof ka mid ah shaqaalaha dabdamiska oo la dilay

Date:

Related stories

DHS–Childcare Provider Dispute Escalates Over Payments and Licensing in Minnesota

MINNEAPOLIS, Minn. A dispute between the Minnesota Department of...

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday LifeA...

Laba askari oo ka tirsan booliiska Burnsville iyo mid ka mid ah shaqaalaha waaxda dab-damiska ayaa la toogtay subaxnimadii hore ee Axadda saacado ismari waa ah kadib. Toogashada ayaa dhacday kadib markii loogu yeeray tacadi qoys, halkaas oo nin hubaysan uu isku soo xidhay guri uu kula jiray haweeney iyo toddobo carruur ah. Ninka hubnatsan ayaa toogtay sadexda sarkaal kadibna nafiisa dilay.  

Dhibaatada ayaa waxay ka dhacdy 12600 block ee 33rd Avenue S. wax yar ka hor 2 subaxnimo halkaas oo booiisku yimaaden iskuna dayeen in ay xiriir la sameeyaan dadka gidaha ku jiray.  Dhowr saacadood ka dib ayaa rasaas lagu soo riday, waxaana ku dhintay saddex sarkaal iyo mid kamid ah shaqaalaha dab-damiska oo caawinayay qof dhaawac ah.  

Dadka dhintay ayaa kala ah Paul Elmstrand iyo Matthew Ruge, oo labaduba 27 jir ah, iyo dab-demiye/caafimaad, Adam Finseth, oo 40 jir.

 Sgt. Adam Medlicott ayaa cusbitaalka la dhigay isagoo qaba dhaawacyo rasaas ah balse waxaa la filayaa inuu badbaado, sida lagu sheegay war kasoo baxay Burnsville.

Xafiiska dambi baarista ee Minnesota (BCA) ayaa xaqiijiyay in ninka hubeysan uu ku dhintay goobta. Ilo-wareedyo dhanka sharciga ah ayaa sheegay inuu u dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaas uu is-dilay.

Gaari booliis ah ayaa xiray waddo ku taal Burnsville ka dib markii laba askari oo bilayska magaalada ah iyo mid ka mid ah shaqaalaha caafimaadka lagu toogtay halkaas Axaddii.

 Sida ku cad codadkakii la duubay xiliga codsiga gurmadka, ismari-waaga qaatay saddexda saacadoo ayaa bilaabmay 1:50 subaxnimo kadib markii booliiska loo soo wacay  xadgudub qoys oo ka dhacay guri ku yaal xaafad u dhow Terrace Oaks East Park ee koonfur-bari Burnsville. Rasaas ayaa dhacdayqiyaastii  5:30 subaxnimo.

“Waan qalbi jabnay. Bulshadayada sharci fulinta qalbi jab ayay ku tahay. Waxaan aad uga xunnahay khasaarihii naxdinta lahaa ee soo gaaray,” ayuu yidhi Brian Peters, oo ah agaasimaha fulinta ee Ururka Booliska iyo Saraakiisha Nabadda ee Minnesota. 

“Geesiyadani waxay ka tageen kuwa ay jecel yihiin iyo bulsho waligood xasuusan doonta geesinimadooda iyo u heellanaanta ay ku ilaalinayaan ammaanka reer Minnesota.”

Elmstrand ayaa booliiska ka tirsanaa  mudo shan sano ah isagoo ka shaqeeyay qaybo kala duwan oo ay ka mid tahay tababarka. 

Ruge waxa uu ciidanka ku biiray Abriil 2020 waxa uuna xubin ka ahaa kooxda wada xaajoodka xasaradda. Finseth wuxuu ka id ahaa ahaa dab-demiska Burnsville iyo kalkaaliye caafimaad ilaa Febraayo 2019.

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here