HomeEducationDadka reer Minnesota ayaa sadex sano ku muransan waxyaabaha lagu dhigayo maadada...

Dadka reer Minnesota ayaa sadex sano ku muransan waxyaabaha lagu dhigayo maadada culuumta Bulshada. Halkan ka dheeho sida ardayda oga hadleen.

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

By Abdirizak M Diis

Ilmuhui muxuu baranayaa xiliga xiisada maadada culuumta bulshada?  

Waa su’aal dood badan ka taagnayd sadexdii sano ee la soo dhaafay. Sida uu qabo sharciga goboloka minnesota, manhajka ayaa ah in dib u eegis lagu sameeyo tobankii sanoba mar, laga bilaabo fasalka xanaanada ilaa fasalka 12aad ee dugsiga sare. 

Muranka ugu badan ayaa ka taagan in culuumta qowmiyadaha (Ethic studies)  lagu daro manhajka. Waa arin saamayn badan leh xili kala duwanaashaha dadyawga Minnesota uu soo badanayo ayna tahay in taariikhdooda ay bartaan. 

 Soo jeedinta manhajka cusub ayaa waxaa ka mid ah in ardayda bartaan isirkooda iyo haybtooda oo inta badan laga saaray maadada culuumta bulshada iyo sida ay gumaystaha iskaga caabiyeen.  

Haseyeeshee, doodani ayaa inta badan u dhaxaysay dadka waawayn oo kaliya.  Sadexdii sano ee u danbaysay, waxaan arkayay dad waawayn oo inta badan ka soo horjeeda manhajka cusub. 17,000 oo jawaab celin ah waxay ahaayeen isku mid oo waxaa soo diyaariyay Center of the  American Expreriment oo ah xarun cilmi baaris oo ay leeyihiin Muxaafidiinta ama garabka midig. 

Dhagaysiga wuxuu marayaa meel gabogabo sida uu sheegay Eric Lipman oo ah xaakimka dooda qaadaya Novembar 8deedii.   Go’aanka uu qaato wuxuu noqon karaa in uu ku raaco soo jeedinta Wazaarada waxbarashada Minnesota, ama talo bixin ku daro, ama gabi ahaanba laalo. 

Dooda hada waxaa ku soo biiray ardayda oo ah kuwa uu si toos ah saamaynta ugu yeelanayo. Dhamaantood waxaa ay ku nuuxnuuxsadeen baahida loo qabo in manhajka qowmiyadaha lagu daro culuumta bulshada. 

 Javier Solis oo dhigta dugsiga sare ee Eden Parairie, ayaa amaanay dadaalka dugsigiisa ee ah in la siiyo fursad uu ku barto taariikhda dadka madow ee maraykanka. Wuxuu xusay in ardayda madow ay hada si kalsooni ah taariikhdooda oga hadli karaan, dhaqankooodana ay barteen. Ardayda cadaanka ahna ay iyaguna ka hadli karaan iyaga oo aan culays dareemin taariikhda madow ee Maraykanka. 

 Amberlin ayaa iyadan xustay in ay tahay wax aan wanaagsanayn in la qariyo taariikhda dadyow gaar ah.  Halka Arday kale oo lagu magacaabo Liam ay xustay in waligeed aynan ka fiklirin taariikhdeeda, dhaqankeeda, iyo hawiyadeeda. 

Aradaydii goobta ka hadashay ayaa dhamaan ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in manhajka culuumta qowmiyadaha lagu daro culuumta bulshada. 

Warbixintani waxaa isku soo duba riday Abdirizak Diis, waxaana lgu baahiyay markii u horaysay Sahan Journal. 

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here