HomeBusinessLyft oo ku dhawaaqday in ay darawalada Twin Cities siin doonto khidmad...

Lyft oo ku dhawaaqday in ay darawalada Twin Cities siin doonto khidmad kordhin.

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Iyada oo tiro badan oo ka mid ah darawallada Twin Cities ay isu diyaarinayaan isu soo bax iyo shaqo joojin usbuucaan, Lyft ayaa sheegtay ujrada ugu yar ee la siinayo darawalada magaalooyinka mataanaha ah ka shaqeeya. 

 Lyft ayaa ku sheegtay warsaxaafadeed  in darawallada la siin doono ugu yaraan $5 raacitaanka ka bilowda ama ku dhammaanaya Magaalooyinka Twin Cities.   

Lyft ayaa sidoo kale ku dhawaaqday inay  iskaashi la samayn doonto Minnesota Uber/Lyft Drivers Association (MULDA) si ay adeegyo taageero u siiso  darawalada gobolka, oo ay ku jiraan bulshada Bariga Afrika.

Adeegyada waxaa ka mid ah tarjumaadda luqadda, isticmaalka app-ka, ku soo biirida shaqada Lyft, iyo caawin kasta oo ay u baahdaan oo ay ku jirto dib ugu noqoshada shaqada. 

“MULDA waa codka bulshada, wadashaqayntani waxay fursad ayay noo tahay iyo inaan ka shaqayno arrimaha kala duwan ee soo wajaha bulshada darwalada. Lyft aad ayay ugu faraxsan tahay in ay horay ula socoto MULDA, “ayuu yiri Brent Kent, agaasimaha siyaasadda guud ee Lyft.

 Lyft waa shirkada labaad ee ay isticmaalaan reer Minnesota darawalada iyo rakaabkaba marka laga yimaado Uber. 

Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey ayaa bishii Agoosto sheegay in uu Uber ka helay ballan qaad ah in la siiyo darawallada “ugu yaraan mushaharka ugu yar ee Minneapolis”. 

Frey waxaa kale oo uu sheegay wakhtigaas in Uber balan qaaday in darawalada aan la siin doonin wax ka $5 Minneapolis gudaheeda.  

Uber ayaa  xaqiijisay in darawalada Minneapolis ay heli doonaan ugu yaraan $15.19 saacaddii inta ay u sii socdaan ayna wadaan macmiilka.  

Uber oo ka  jawaabayo go’aanka Lyft ay iclaamisay Talaadadii, Uber waxay sheegtay inay siinaysay  $ 5  ugu yaraan ugu yaaanr darawallada Twin Cities tan iyo xagaagii hore. Uber waxay sidoo kale u sheegtay Sahan Journal inay ogolaatay “in MULDA ay ugu macquulsantahay in ay la shaqayso iyo bixinta adeega darawalka.” 

Gudiga gaarka ah Guddoomiyaha Tim Walz, oo ka kooban wakiillada darawalada iyo shirkadaha, ayaa shaqaynayey in ka badan shan bilood si ay u soo gudbiyaan talooyinka isbeddelka siyaasadda ka dib markii Walz uu diidey biil bishii Maajo kaas oo siin lahaa darawallada mushahar kordhin.

Xafiiska guddoomiyaha ayaa sheegay in talooyinka guddiga hawsha ay fulinayaan Waaxda Shaqada iyo Warshadaha ee Minnesota.

Komishaneer Nicole Blissenbach ayaa u sheegay Sahan Journal tallaabada xigta ay tahay in loo gudbiyo sharci dejinta.  

Ku dhawaaqista Lyft iyo iskaashiga ay la leedahay MULDA ayaa timid maalmo kadib markii koox gaar ah oo darawaliin ah ay ku dhawaaqeen qorshayaal ay ku qabanayaan maalin shaqo joojin oo bille ah.

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here