HomeCommunity and CultureMa baaritaan ayaa lagu samaynayaa dhabkii la qabadsiiyay Masjid Al-Rahma ee koonfurta...

Ma baaritaan ayaa lagu samaynayaa dhabkii la qabadsiiyay Masjid Al-Rahma ee koonfurta magaalada Minneapolis?

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Booliska magaalada Minneapolis ayaa bilaabay baaritaan ku aadan dab qabsaday Masjid Al-raxma, kaasoo baabi’iyay saddex garaash, sidoo kalena  burbur xooggan gaarsiiyay guri  deris la ahaa masjidka. Dabkan oo dhacay 3-dii November, ayaa walaac ku abuuray bulshada Muslimiinta ah ee deegaanka.

Iyadoo wali baaritaan lagu hayo sababta dabkan dhalisay,  golaha  Iskuxidhka  Maraykanka iyo Islaamka ee loo yaqaan (CAIR-MN) qaybta Minnesota ayaa ka codsaday booliiska in ay baaraan suurtagalnimada in ay jirto nacayb. Si kastaba ha ahaatee, booliiska Minneapolis ayaa tilmaamay, in hadda, aysan jirin wax muujinaya  in nacayb uu jiro.

 Aaron Rose oo u hadlay booliiska  ayaa sheegay, “in gal baaritaan la furay walina socdo, uma eka inay ahayd mid laga shakiyo ama eex ku salaysan, laakiin waxaan hubaal ah inaan baarayno dhammaan sababaha oo aan u qaadaneyno si dhab ah. wax walbana way socdaan.”

Agaasimaha fulinta ee hay’adda CAIR-MN, Jaylaani Xuseen, ayaa walaac xooggan ka muujiyay dhacdadan, gaar ahaan xiisadda taagan ee ka dhalatay colaadda Israa’iil iyo Xamaas. Xuseen waxa uu iftiimiyay wakhtiga lagu aadiyay dabka oo ku soo beegantay mudaharaadyo lagaga soo horjeedo booqashadii madaxweyne Joe Biden iyo dab hore loo qabadsiiyay isla masjidkaan. 

CAIR-MN waxa ay sheegtay in qiyaasta khasaaraha ka dhashay dabka uu kor u dhaafayo $100,000, taas oo sii kordhinaysa culays dhaqaale oo ay xarunta hore u soo wajahday dhacdadii tan ka horeysay. In kasta oo ay booliisku xaqiijiyeen in dabka aan loo arkin mid laga danbeeyay, Jaylaani Xuseen ayaa ku nuux-nuuxsaday badqabka bulshada, isagoo ku baaqay in la helo macluumaad dheeraad ah si loo sugo amniga mustaqbalka.  

Walaaca ku saabsan kororka Islaam nacaybka ka dib dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee caalamka  ayuu ka dhaqaajiyay Hussein, wuxuuna ku booriyay xubnaha bulshada inay bixiyaan wixii xog ah ama ay duubeen kamerooyinka ilaalada. 

Isagoo ka jawaabaya dhacdadaan, Xuseen ayaa codsaday in dhaqaale lagu taakuleeyo masjidka si dib loogu dhiso. 

Booliska Minneapolis ayaa xaqiijiyay in baaritaan buuxa lagu sameynayo dhacdadan, iyagoo baaraya dhammaan waxyaabaha keeni kara in lagu ogaado waxa sababay dabka. Qofkii haya xog ku saabsan dabkii dhacay, waxaa loogu baaqayaa inay si degdeg ah ula soo xiriiraan laamaha amaanka.

Sheekadan waxa soo tebisay oo xaqiijisay Sahan Journal.

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here