HomeEducationMacalimiinta Dugsiyada Dadwaynaha Minneapolis oo xaqiijiyay mushaar kordhintii ugu badnayd muddo 25...

Macalimiinta Dugsiyada Dadwaynaha Minneapolis oo xaqiijiyay mushaar kordhintii ugu badnayd muddo 25 sano ah.

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

 Macalimiinta dugsiyada dadwanaha Minneapolis ayaa todobaadkan u codeynaya labo qandaraas oo  oo mushaar kordhin u samaynaya macalimiinta iyo shaqaalaha kale. Mushaar kordhintaan ayaa noqonaysa tii ugu badnayd muddo 25 sano ah.

 Macalimminta ayaa mushaharka loogu darayaa – 4% sanadkan iyo 5%  2024-25 . Intaa waxaa dheer kororka mushaarka ee sanadaha khibrada iyo heerka waxbarashada. 

Ilaa hadda lama ogaan karo saamaynta ay ku yeelan karto miisaaniyada  dugsiyada degmada 2024-25 oo horay loo saadaaliyay in ay ka dhiman tahay $110 milyan. Hadii loo geeyo qandaraasyada kale ee aan wali heshiis laga gaarin, hoos u dhaca miisaaniyada intaa wuu ka badanayaa. 

Heshiisku ayaa la gaaray wax yar ka hor inta aysan macaliinta u codayn in ay ku dhawaaqaan shaqo joojin dabayaaqadii Abriil.   

Haddii ay ansixiyaan macallimiinta, heshiisku wuxuu u gudbi doonaa guddiga dugsiga si ay u ansixiyaan. Degmadu waxay sheegtay in heshiisku uusan ka baxsananyn miisaaniyada golaha ansixiyay.   

Macalimiinta gobolka oo dhan ayaa helaya mushaar kordhin sanadkaan. Celcelis ahaan kororka wuxuu u dhexeeyaa  4.3% sanadkan iyo 3.5% 2024-25.

Macallimiinta St. Paul waxay xaqiijiyeen heshiis laba sano ah bishii Maarso waxaana loo kordhiyay  4% iyo $3,500 oo go’an.  

Magaalada Minneapolis,  4% mushaar kordhinta sanadkan waxaa laga soo bilaabayaa 1da Luulyo, 2023.

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here