HomeLatestMuslimiinta Minnesota iyo Maraykanka oo ku baaqay in laga codeeyo Biden doorashada...

Muslimiinta Minnesota iyo Maraykanka oo ku baaqay in laga codeeyo Biden doorashada dhacaysa Maarso 5teeda.

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Qaar ka mid hogaamiyayaasha Muslimiinta Minnesota ayaa ugu baaqaya Muslimiinta Minnesota in ay u codeeyaan “uncommitted” doorashada is reebreebka ee dhacaysa Maarso shanteeda. Waxay doonayaan in ay fariin u diraan madaxwane Biden si uu xabad joojin ugu dhawaaqo Gaza. 

Ololaha ka dhanka ah Biden ee Abandon Biden qaybtiisa Minnesota iyo xubnaha kale ee bulshada ayaa arrintaan ka sheegay shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen magaalada Minneapolis. Waxay cadeeyeen in ay ka soo horjeedaan siyaasada Biden ee Gaza, waxayna ku baaqeen xabad joojin. 

Mitra Jalali oo ka tirsan  Golaha Magaalada St. Paul, iyo  Aisha Chughtai oo Minneaplis laga soo doorto  ayaa ka mid ahaa dadkii  ku booriyay cod bixiyayaasha Dimuqraadiga ah inay  codeeyaan “uncommitted” oo macnaheedu ah “inaan codeeyo kuma qasbani”  

Jalali ayaa yidhi”Tani waa fursada ay hastaan bulshadeena uu dagaa;ka saameeyay si ay fariin ugu diraan madaxwaynaha si uu u badalo siyaasadiisa Gaza.”  

Doorashada hordhaca ah ee qabsoomaysa  March 5, codbixiyayaashu waxay dooran doonaan mid ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee Minnesota, ka dibna waxay u codayn doonaan mid ka mid ah musharaxiintae xisbigaas.

Musharixiinta ayaa ku guulaysta tiro cayiman oo ergo ah taas oo ku xidhan sida loogu codeeyay doorashooyinka hordhaca ah ee dalka oo dhan. Ergooyinkaas ayaa markaa ka qayb galaya shirweynaha qaran ee xisbiyadooda siyaasadeed, waxayna u codeeyaan musharaxa noqon doona musharaxa xisbigoodu u sharaxaan  madaxweynaha doorashada November.

Xubnaha bulshada ayaa sheegay in ay Biden fariin u noqoto in ay jiraan codad badan oo uusan ku tashan doonin. Waxay sidoo kale codadkani muujinayaan  Biden in qaar badan oo dimuqraadi ah aysan taageersanayn sida uu u maareynayo iskahorimaadka Israel iyo Falastiiniyiinta, ayna ku qasbi doonaan inuu tallaabo qaado.

Taher Herzallah, oo ah arday ka qalin jabiyay Jaamacadda Minnesota, ayaa shirka jaraa’id ku sheegay in sagaal ka mid ah qaraabadiisa lagu dilay Gaza, halka kuwo kalena ay ku barakiciyeen ololaha milatari ee Israel, oo ay ku jiraan qaraxyo.

In ka badan 29,000 oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay tan iyo markii dagaalka Gaza uu billowday bishii Oktoobar.

“Qaraabadaydu waxay ku gaajysan yihiin Gaza, ma jirto si kale oo loo dhigo,” ayuu yidhi. “Waxaana u baahanahay inaan hadda soo afjarno arrintan. Maamulka ayaa weli fursad u haysta inuu arrintan soo afjaro.”

Jaylani Hussein, co-chair of the Minnesota chapter of the Abandon Biden campaign, speaks at a news conference on February 26, 2024, urging Minnesotans to vote “uncommitted” in the March 5 primary to protest President Joe Biden’s handling of the Israel-Hamas conflict. Credit: Dymanh Chhoun | Sahan Journal

Jaylaani Hussein, oo ah gudoomiyaha ururka Abandon Biden, cutubka Minnesota, ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa codbixinta “uncommitted ” uu ku soo badanayo dalka oo dhan, oo ay ku jirto Michigan, oo doorashada ugu horaysa la qabanayo Febraayo 27.

” Dimuqraadiyiin badan ayay tani u tahay go’aan  sahlan oo keeni karta cadaadis si loo badbaadiyo dad badan,” ayuu yiri Hussein, oo sidoo kale ah agaasimaha fulinta ee Golaha Xiriirka Maraykanka iyo Islaamka, cutubka Minnesota.

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here