HomeCommunity and CultureSida ama Habka loo Codsado Group 5 arjigana loo buuxiyo.  

Sida ama Habka loo Codsado Group 5 arjigana loo buuxiyo.  

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Waa maxay habka codsiga si aad u noqoto kafaala-qaade?

Si aad u codsato kafaala-qaadka iyada oo loo marayo Kooxda Soo-dhaweynta ee shanta qof ka kooban, waa inaad samaysaan koox ka booban ugu yaraan shan qof oo qaan-gaar ah kuwaas oo haysta dhalashada Maraykanka ama deganaanshaha rasmiga ah oo ku nool ama u dhow isla meesha la qorsheynayso inaad ku soo dhaweyso qaxootiga. Xubnaha kooxdu uma baahna inay khabiir ku noqdaan dib u dejinta; Kaliya waxay u baahan yihiin inay diyaar u yihiin inay  huraan waqtigooda iyo aqoonta ay u leeyihiin bulshada. Waa inaad ahaato qof xariif ku ah la xiriirka bulshada qaybaheeda kala duwan , waana talaabada ugu horaysa.  Xubnaha jaaliyadaha sida dadka ku abtirsada diimaha kala duwan sida muslimiinta, naadiyada, jaaliyadaha qurbajoogta, kooxaha buugaagta, deriska, asxaabta shaqada, ardayda saaxiibada ah, iyo kuwa kale ayaa laga yaabaa inay ka mid noqdaan kooxdaada. 

Markaad samaysato koox, waxaad diyaar u tahay inaad bilowdo nidaamka codsiga:

Xubin kasta oo ka mid ah kooxdu waa inay buuxisaa baaritaanka  dabagalka, u hogaansanto Xeerka Anshaxa, saxiixdana foomka balan-qaadka.  

Ugu yaraan hal xubin oo ka mid ah kooxdaada waa inuu qaataa Tababbarka Muhiimka ah ee Kafiilka, inkastoo ay haboon tahay dhammaan xubnaha kooxda inay dhammaystiraan tababarka ka hor inta uusan qaxoontigu iman.

Kooxdaadu waa inay buuxisaa shuruudaha lacag ururinta ugu yar, taas oo ku salaysan tirada qoyska aad doonayso inaad kafaalo qaado. Waa inaad uruuriso ugu yaraan $2,425 halkii qaxooti ee aad kafaalo qaado. Lacagtaasi dadwaynaha ayaad ka uruurin kartaa ama dad yar oo kooban. Fur akoonka aad lacagtaas ku aruurinaysid si dhaqso ah si aad ugu dhiiro galiso bulshadfa in ay tabarucaan.  

Koox kasta oo kafaalo-qaad samaynaysa  waa inay lahaataa “iskuduwe”  kaas oo furaya akoonka lacagta la dhigayo foomka codsifgana buuxinaya.  Beegka codsiga ee onlineka ah ayaa wuxuu kuu samaynayaa in aad codsiga u buuxiso si fudud hadii aad dhamaystiri waysana hal mar, waad u soo laaban kartaa mar kale kadib marka aad xifdiso.   Hadii aad doonaysid in lagaa caawiyo buuxinta arjiga ska diiwaan geli kana qayb gal  webinar ka soo socda oo  oo laguu barayo habka soo dhawaynta. Haddii aad codsanayso inaad kafaalo qaado qof aad taqaan, ka qayb gal casharkaan ikhtiyaariga ah.

Sidii aad hore idiinka balan qaadnay, dadka wadamadaan hoose ku nool lama kafaalo qaadi karo sida ku cad shabakada Welcome Corps.

  • Afghanistan
  • Australia
  • Austria
  • Belarus
  • Belgium
  • Bulgaria
  • Burma
  • Canada
  • Croatia
  • Cyprus
  • Czechia
  • Democratic People’s Republic of Korea
  • Denmark
  • Eritrea
  • Estonia
  • Finland
  • France
  • Germany
  • Haiti
  • Hungary
  • Iceland
  • Iran
  • Ireland
  • Italy
  • Japan
  • Latvia
  • Libya
  • Lichtenstein
  • Lithuania
  • Luxembourg
  • Malta
  • The Netherlands
  • New Zealand
  • Norway
  • Poland
  • Portugal
  • Republic of Korea
  • Romania
  • Russia
  • Slovakia
  • Slovenia
  • Spain
  • Somalia
  • Sudan
  • Sweden
  • Switzerland
  • Syria
  • Türkiye
  • Turkmenistan
  • Ukraine
  • United Kingdom
  • Venezuela
  • Yemen

Liistada waa ay is bedeli kartaa mar walbo.  

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here