HomeCommunity and CultureSoomaalida Minnesota iyo Maraykanka oo uruurinaya lacag gaaraysa hal milyan oo doolar...

Soomaalida Minnesota iyo Maraykanka oo uruurinaya lacag gaaraysa hal milyan oo doolar si loogu caawiyo dadka ku waxyeeloobay daadadka. 

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Soomaalida ku dhaqan Minnesota ayaa Abaabul xoogan ugu jira sidii ay u caawin lahaayeen Soomaalida ku waxyeeloobay daadadka xilagaan ka jira geeska Afrika. Culaam’udiinka Minnesota oo kaashanaya hay’ada Humanatarian African Releif Organization (HARO) iyo gudiga gurmadka daadaka ayaa munaasabad lacag uruurin ah ku qabanaya Zawadi Center oo ku taal Bloomington 15ka Deseembar 2023. Waxaa ay doonayaan in ay uruuriyaan lacag gaaraysa hal Milyan oo doolar, Maraykanka oo dhan. 

Kumanaan qof ayaa barakacay, waxyaabihihii noloshaaoda ay ku tiirsanaydna burburay sida beeraha iyo xoolaha la dhaqdo. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in fatahaadda ay burburiyeen ugu yaraan 1.5 milyan hektar oo dhul beereed ah—in ka badan 3.7 milyan acres. Wadooyinka iyo kaabayaasha kale ayaa burburay. Isbitaaladii iyo iskuuladiina waa la xiray.

Masiibadaan ayaa timid kadib markii macluul ka dhalatay abaaro ba’an oo ku dhuftay Soomaaliya. Qiyaastii 1.5 milyan oo carruur ah oo ay da’doodu ka yar tahay 5 sano ayaa wajahaya nafaqo-xumo ba’an inta u dhaxaysa Agoosto 2023 iyo Luulyo 2024.

Sh Tawakal Ismaaciil oo ah gudoomiye ku xigeenka gudiga gurmadka Minnesota ayaa ayaa Somali Media of Minnesota u sheegay  “In ay waajib tahay in la caawiyo dadka ku waxyeeloobay daadadka gaar ahaan meelaha ugu daran sida gobolka Gedo” Sheikha oo hadalka sii wata ayaa intaa ku daray” bulshada Soomaaliyeed  aad ayay u soo dhoweeyeen baaqa gudiga gudiga gurmadka ilaa hadana waxaa la uruuriyay lacag ka badan $350,000 oo doolar”.  

 Soomaalida Minnesota ayaa lagu yaqaananaa isgarab istaaga walaalahooda Soomaaliyeed ee ku nool geeska Africa marka ay la soo deristo musiibo sida tan oo kale. Waxaa ay gurmad u sameeyeen suuqaqii gubtay ee Jigjiga iyo hargeisa, iyo daadakii Beledweyne. 

Hadii aad doonaysid inaad ka qaybqaadato waxaad ku taburici kartaa GoFundme  ama websiteka haro

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here