HomeEducationUrurka macalimiinta St. Paul oo ku baaqay shaqo joojin. Maxay tahay sababtu?

Ururka macalimiinta St. Paul oo ku baaqay shaqo joojin. Maxay tahay sababtu?

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Ururka  Macalimiinta ee St. Paul, oo matalaya 3,700 oo isugu jira  macalimiin,  caawiyeyaal waxbarasho, iyo shaqaalaha kale ee haysta ruqsada waxbarida, ayaa u codeeyay in ay sameeyaan shaqo joojin sida uu ururka sheegay khamiistii. 

Saddex meelood laba meel barayaasha ururka ayaa codeeyay Khamiistii; 92% waxay u codeeyeen inay sameeyaan shaqo joojin. 

Tallaabadan ayaa noqonaysa shaqo joojintii afaraaaad ee barayaasha St. Paul sameeyaan. Macallimiinta St. Paul ayaa sameeyay shaqo joojin 2020kii, 2018kii, iyo 201kii.  Ugu danbayn heshiis ayaa la gaaray.

“Waxay inta badan u muuqataa in maamulka degmada aysan doonayn in heshiis la gaaro ilaa iyo inta macalimiinta ay u codeeeyaan shaqo jooin,”  ayay tidhi Erica Schatzlein, oo ah macalimada  luqadda Ingiriisiga ee Nokomis Montessori Magnet School ahna madaxa gorgortanka ururka.  “Taasi waa nasiib darro. Laakiin waxaanu qaadi doonaa talaabooyinka lagama maarmaanka ah si aanu ugu guulaysano qandaraas cadaalad ah, haddii aanay degmadu doonayn heshiis ilaa inta aan u codayno shaqo joojin, markaas waxaanu u codayn doonaa shaqo joojinta”.

Warmurtiyeed degmada soo saartay jimcihii ayay ku sheegtay in ay  aaminsantahay in shaqo joojintu ay tahay mid aan loo baahnayn waxayna ku adkaysteen in ay rajo ka qabto  in xal laga gaadho shaqa joojinta ka hor. Waxa ay intaa ku dartay in inkasta oo ay dawladu maalgalin cusub samaysay hadana ay degmadu soo food saartay hoos u dhac miisaaniyadeed oo ka badan $100 milyan.

#image_title

“Waa lagama maarmaan in aan  heshiis ka gaarno dhamaan qandaraasyada siinaya  dhammaan shaqaalaheenna inay helaan taageerada ay u baahan yihiin si ay ugu adeegaan ardaydeena iyo qoysaskeena, iyadoo la hubinayo in Dugsiyada dadwaynaha St. paul loo sameeyo miisaaniyad dheellitiran sanadkan iyo mustaqbalka,” ayuu yiri Pat Pratt-Cook, madaxa fulinta ee  waaxda shaqaalaha ahna hogaamiyaha gorgortanka Dugsiyada Dadweynaha St. Paul.  

Codbixinta shaqojoojinta macanheedu ma’ahan in shaqo joojintu ay hore ka bilaabanayso. Ururka macalimiinta waa in uu siiyaa degmada ugu yaraan 10 maalmood inta aysan shaqo joojinta samaynin. Sidoo kale, sharciga gobolka wuxuu dhigayaa in sahqo joojinta aan la samayn karin ilaa ay 40 maalomood ka soo wareegto xiliga bilowga dhexdhexaadinta. Dugsiyada St. paul ayaa dhexdhexaadinta bilaabay  janaayo 24keedii taas oo ka dhigan in ay shaqo joojinta samayn karaan biloga bisha 3aad. Dugsiyada dadwaynaha ee minneapolis ayaa iyagana dhexdhexaadin codsaday taas oo ka dhigan in ay sahqo joojin samayn karaan bisha Abriil. 

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here