HomeEducationWaa sidee xaalka ardayda sooman ee dhigata dugsiyada Maraykanka

Waa sidee xaalka ardayda sooman ee dhigata dugsiyada Maraykanka

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Inkastoo ardayda Muslimiinta ah ay aad u yaryihiin marka loo eego ardayda dhigata dugsiyada Maraykanka, waxaa si weyn oga dhexmuuqdaan bulshooyinka qaar, taas oo keentay in dugsiyada dadwaynuhu ay aad uga taxadaraan baahidooda inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan  oo ardaydu soomanyihiin maalinta oo dhan, taas oo ah waajib diini ah. 

Tusaale ahaan, gudaha Dearborn, Michigan – halkaas oo ku dhawaad kala badh 110,000 oo of oo degan halkaasi ay ka soo jeedaan carabaha,  macallimiinta dugsiyada dadweynaha iyo shaqaaluhu waxay ku dadaalaan inay u fududeeyaan ardayda Ramadaanka.

“Waxaan u ogolaanaa ardayda inay muujiyaan caqiidadooda maadaama aysan  carqalad ku ahayn howlaha dugsiga,” ayuu yiri afhayeenka Dearborn Schools David Mustonen. “Waxaan sidoo kale isku daynaa inaan u helno goobo ama waxqabadyo ay sameeyaan xiliga qadada ardayda sooman.”

Balse waxa uu carabka ku adkeeyay in ardaydan looga baahan yahay in ay dhameeyaan dhamaan shaqooyinka loo diray.

St. Paul, Minnesota, Dugsiga Hoose ee  East Afrikan Magnet School ee uu maamulaha ka yahay Dr. Cabdisalaan Aadam ayaa ardayda sooman u xiray qayb ka mid ah maktaba si ay u sameeyaan akhrinta buugaagta uuna caawinayo macalin. Sida uu sheegay maamulaha C/Salaan Aadan.  

Dugsigaan oo ay dhigtaan arday gaaraysa 220, ayaa la furay dayrtii hore isagoo qayb ka ah dugsiyada dadwaynaha St. Pual manhajkana isku mid ka yihiin. Haseyeeshee wuxuu kaga duwan yahay in uu xooga saarayo barashada Afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed iyo bulshooyiinka kale ee ka soo jeeda geeska Africa. Cabdisalaan aadam ayaa sheegay in 90% ardayda dhigata ay yihiin Soomaali Muslimiin ah.  

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here