HomeCommunity and CultureQormada 2aad ee Group 5: Maxay yihiin shuruudaha laga doonayo qofka doonaya...

Qormada 2aad ee Group 5: Maxay yihiin shuruudaha laga doonayo qofka doonaya in uu kafaalo qaado qaxooti iyo qofka la keenayo Maraykanka. 

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Sidii aan idiinku sheegnay qormadii hore, shan qof oo muwaadiniin Maraykan ah ama deganaasho rasmi ah haysta ayaa kafaala qaadi kara qaxooti jooga meel kale Shantaan qof waxay kafaala qaadi karaan ha qof oo qaxooti ah ama qoys isla nool markiiba. Codsigaaga hada waad gudbin kartaa. Haddii laguu ogolaado, waa inaad sugtaa saddex bilood ka dib markay qaxootigu yimaadaan Maraykanka si aad mar 2aad codsi kale u gudbiso.  

Shakhsiyaadka (dadka) ku qoran codsigaaga kafaala-qaadka waxay wadankay dooniba ha u dhashaane  waa inay buuxiyaan shuruucda qaxootinimada oo waafaqsan sharciga Maraykanka iyo dhammaan shuruudahan hoos ku qoran:

  • Waa in ay ku nool yihiin meel ka baxsan dalkooda hooyo.
  • Waa in ay ku nool yihiin meel ka baxsan dalka Maraykanka.  
  • Waa in ay ku nool yihiin waddan ay dawladda Maraykanku awood u leedahay inay wareysato qaxootiga la kafaalo-qaadayo si kiiska looga sahqeeyo. Liiska wadamada la ogolyahay waxaan idiinku soo gudbin doonaa qormooyiinka danbe. 
  • Waa in  qofka ama qoyska la kafaalo qaadayo waa in ay qaxootinimo oga diiwaan gashanaayeen Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) ama dawladda waddanka ay ku nool yihiin intii ka horaysay  sembtembar 30, 2023.  
  • Waa in qaxootiga la kafaalo qaadayo jiraa ugu yaraan 18 jir, haddii ay ilmo yihiin, waa in ay la socdaan waalidkood ama masuulka sharciga ah.   
  • Qofka ama qoyska la kafaalo qaadayo waa in aan hore loogu  diidin dib u dajinta Maraykanka iyada oo loo marayo Barnaamijka Ogolaanshaha Qaxootiga ee Maraykanka.

Haddii aad codsanayso in aad kafaala qaaddo in ka badan hal qof, dhammaan qaxootiga waa in ay hadda ku nool yihiin hal waddan oo ay qorsheeyaan in ay ku noolaadaan hal guri marka ay yimaadaan Maraykanka.

Haddi qofka ama qoyska qaxootiga ah ay hore ugu jireen boroseeska dib-u-dejinta  Qaxoontiga ee Maraykanka (USRAP) ama barnaamijka fiisaha soogalootiga khaaska ah ee dadka Afghanistan (SIV), waxaad soo gudbin kartaa codsigaga kafaala qaadka iyada oo aan loo eegin meesha ay hadda ku nool yihiin. Si kastaba ha ahaatee, sida kor ku xusan, ma kafaala qaadi kartid qof ka yar 18.  

Qof kasta oo aad kafaalo qaado, waa in ay baasaan nidaamka baadhista qaxootiga iyo hubinta ee dawlada Maraykanka si loogu ogolaado dib u dajinta gudaha Maraykanka. Ma jiraan wax dammaanad qaad ah in qof kasta oo aad codsato laguu keenayo Maraykanka.  

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

5 COMMENTS

Leave a Reply to Barkhad Ali Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here