HomeHealthWax ka Ogow Covidka-daba-dheeraada

Wax ka Ogow Covidka-daba-dheeraada

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Waa maxay Xanuunka Long COVID ama Covidka Dabadheeraada

COVIDka Dabadheeraada waxaa lagu qeexaa

Xaalad xanuun oo dabadheeraata kadib marka qofku uu ku dhaco caabuqa SARS-CoV-2 qofkana xanuunsanaado ugu yaraan 3 bilood. COVIDka dabadheeraada wuxuu leeyahay calaamado iyo xaalado badan oo kala duwan oo laga yaabo inay soo roonaadaan, ka sii daraan, ama sii socdaan.

Qof kasta ayaa qaadi kara COVIDka daba dheeraada

COVIDka daba dheeraada wuxuu inta badan ku dhacaa dadka aad ugu xanuunsaday Caabuqa COVID 19, laakiin qof kasta oo qaada caabuqa COVID-19 wuu ku dhici  karaa xitaa carruurta.

Inta badan dadka qaba xanuunka COVIDka-daba-dheeraada waxay  isku arkaan calaamado maalmo ka dib markii ay ogaadeen inay qabaan COVID-19, laakiin dadka qaar ayaa xili danbe isku arka calaamadaha kamana war hayaan in COVID 19 ku dhacay.   

Dhawr jeer ayuu qofka qaadi karaa xanuunka COVID 19. 

Yaa halis ku jira?

Inkasta oo dadka oo dhan ay qaadi karaan Covidka-daba-dheeraada, hadana daraasaadka ayaa muujinaya dadyowga qaar ayuu inta badan ku dhaco marka loo eego bulshooyiinka kale. Dadkaan waxaa ka mid ah:  

  • Haweenka
  • Dadka Hisbaaniga ah ama Laatiinka
  • Dadka sida daran ugu xanuunsaday COVID 19 isbitaalna loo seexiyay. 
  • Dadka qaba xaalado caafimaad oo  joogto ah iyo dadka waaweyn ee jira 65 ama ka weyn
  • Dadka aan qaadan tallaalka COVID-19

 Sidee looga hortagi karaa?

Xarunta Xakamaynta Xanuunada ee loo yaqaan CDC waxay xoogga saartaa isticmaalka xeeladaha asaasiga ah si loo yareeyo khatarta caafimaad ee COVID-19, oo ay ku jiraan natiijooyinka daran sida isbitaal dhigista iyo dhimashada. Ka-hortagga natiijooyinka daran ee xanuunka COVID-19 waxay kaa caawinaysaa kahortagga COVID-ka-daba dheeraada. Talaabooyinka aad qaadi karto si aad naftaada iyo kuwa kaleba u ilaaliso waxaa ka mid ah:

  • La socoshada xogta ugu danbaysa ee talaaka COVID-19.
  • Ku dadaal nadaafada gaar ahaan dhaqista gacmaha
  • Qaado hawo nadiif ah
  • Haduu kugu dhaco fayraska neef-mareenka:
  • Isticmaal taxaddar dheeri ah si aad uga hortagto faafitaankiisa
  • Si degdeg ah u raadso daryeel caafimaad baaritaan ama daawayn haddii aad leedahay arrimo halis u ah jirro daran

Tallaalku wuxuu ka hortagi karaa COVID dheer

Cilmi baaristu waxay muuujinaysaa in tallaalka COVID-19 uu yahay waxa ugu wanaagsan ee la heli karo si looga hortago COVIDka-daba-dheeraada, oo ay ku jiraan carruurta.

Baaritaanka iyo ogaanshaha

COVIDka daba-dheeraada ma aha hal jirro. Ma jiro baaritaan ama shaybaar  go’aamin kara haddii calaamadahaaga ama xaaladahaaga ay sabab u yihiin COVIDka-dheer. Baadhitaan shaybaar oo muujinaya in aad qabto caabuqa  SARS-CoV-2  looma baahna si loo ogaado inaad qabto Covidka-daba-dheeraarada.  Dhakhtarkaaga caafimaadku waxa uu  eegayaa waxyaabaha soo socda:  

  • Taariikhdaada caafimaad
  • Haddii horay lagaaga helay COVID 19, calaamadahiisa ama dad qaba aad u dhowaatay.  
  • Baaritaan caafimaad

Baaritaanada caafimaad iyo  baadhitaanada dhiiga caadiga ah, raajada xabadka, iyo electrocardiograms  waa baaritaano loo sameeyo qof qaba COVIDka-dheer. Dadka la kulma COVIDka-daba-dheeraada waa inay daryeel ka raadsadaan dhakhtarka si loogu sameeyo qorshe caafimaad oo u gaar ah iyaga si u yareeyaan khatartiisa.   La hadal  dhakhtarkaaga haddii aad u malaynayso in adiga ama ilmahaagu aad qabtiin COVIDka-daba- Dheeraada.

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here