HomeHealthXarumaha gurmadka deg-dega ah ee Minnesota oo buuxdhaafay xili ay xanuunada Hargabka,...

Xarumaha gurmadka deg-dega ah ee Minnesota oo buuxdhaafay xili ay xanuunada Hargabka, COVID, RSV, iyo Norovirus aad sare ugu kaceen

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Xanuunada neefmareenka ayaa aad sare ugu kacay dhamaadkii bishii Disembar ee sanadkii tagay iyo horaanta sanadkaan cusub. Xanuunadaan waxaa ka mid ah COVID 19, Hargabka ama Influenza, RSV, (xanuun ku dhaca sanka, dhuunta, iyo sanbabada) iyo Norovirus. Dadka la ildaran xanuunadaan ayaa buux dhaafiyay isbitaalada Minnesota. 

Sida ku xusan shabakada Waaxda Caafimaadka ee Minnesota, tiro gaaraysa 1,800 oo qof ayaa isbitaalka loo seexiyay hargabka Influenza tan iyo bilowgii sanadkaan. Xanuunadaan is wata ayay dhakhaatiirta u bixiyeen quad-demic (Xanuuntada afarlayda ah)

 “Hadii aad xanuun dareemaysid, gurigaada iska joog ilaa aad ka roonaato,” ayay tidhi Dr. Amy O’Neil oo ka tirtan M Heath Fairveiw. “Waxaan aragnay tiradii ugu badnayd oo xanuunadaan qaba usbuucyadii u danbeeyay, waa xanuuno isu tagay oo kala ah Hargab (Influenza), COVID 19, RSV, iyo norovirus.” 

Xog cusub oo ay baahisay waaxda caafimaadka ee Minnesota ayaa muujinaysa sare u kac ku yimi dadka loo seexiyay isbitaalka hargab, COVID, iyo RSV ilaa iyo usbuucii dhamaaday. 

screenshot-2025-01-09-213727.jpg

Minnesota Department of Health

Dr. O’neil ayaa sheegaysa in ay caadi tahay in tirada xanuunadaan sare u kacaan xiliyada fasaxa ka dib, laakiin tani aad ayay oga duwantahay. 

“Waay u muuqataa in xanuunadaan neefmareenka iyo norovirus oo is wata ay tirada dadka xanuunsan ay aad sare oogu qaadayaan. Norovirus waa xanuun  ka dhasha cunnada keenana qandho iyo calool xanuun sida shuban. 

Hadaba maxaa kula gubboon hadii aad xanuunsantahay in aad samaysid? 

  • Si dhaqso ah u arag dhakhtarkaaga ama booqo xarumaha caafimaadka si dhaqso ah. 
  • Qaado talaalka Hargabka iyo kan COVID 19. 
  • COVID-19 wali wuu jiraa. Hargabkuna  aad ayuu u faafayaa.  Labada cudurba dadka aad bay u xanuunsan karaan.
  • COVID-19 iyo tallaalada hargabka ayaa waxay kaa caawinayaan ka hortagga jirro daran, ama  isbitaal dhigid. 
  • Qaadashada tallaalka wuxuu ilaalinayaa adiga iyo dadka kula nool. 
  • Helitaanka tallaaladii ugu dambeeyay waxay kaa ilaalinayaan noocyada hadda jira ee COVID-19 iyo fayraska hargabka ee faafaya. 

 

Waxaa jira meelo badan oo aad iska talaali kartid sida 

  • Rugaha caafimaadka.
  • Farmasiyada
  • Xarumaha Bulshada
  • Halkan ka raadi goobta kuugu dhaw ee aad talaaka ka heli kartid Vaccines.gov

Hadii aad doonaysid caawimaad si aad u hesho talaaka wac telfoonka waaxda caafimaadka ee Minnesota  1-833-431-2053.

  • Isniin, Arbaco, Jimco: 9am to 5pm
  • Talaado, Khamiis: 9 a.m. to 7 p.m.

Waxaad helaysaa dad ku hadlaya Af-Soomaali iyo luqado kale si ay kuu caawiyaan. Hadii aad doonaysid in laguugu xiro qof ku hadla luqada tilmaamta ama dadka dhagoolka ah, isticmaal  ASL Now.

Afeef: Macaluumadka qaar waxaan ka soo xiganay WCCO News iyo Minnesota Department of Health. 

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here