HomeCommunity and CultureXogihii Ugu danbeeyay ee COVID-19. 

Xogihii Ugu danbeeyay ee COVID-19. 

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Ma ogtahay in xanuunka COVID 19- uu wali nala nool yahay. Dad badan oo reer Minnesota ah ayaa u jiifa isbitaalada, qaar kalena waa uu hayaa. Sida ku cad shabakada Waaxda caafimaadka ee Minnesota, waxaa cusbitaalka la dhigay usbuucii ugu danbeeyay 18, 977 qof oo reer Minnesota ah. Waxaa u geeriyooday 2.4% dadkaasi la seexiyay cusbitaalka oo u dhiganta 455 qof.  Dadka iska baaray caabuqa oo qabay tilmaamaha hargabka, 9.7 boqolkiiba waxaa laga helay caabuqa. 

Inkasta oo uu tirada dadka uu ku dhacayo uu hoos u dhac ku yimi marka loo eego bishii Deseembar ee 2023, hadana tirada dadka la xanuunsan aad ayay u badan tahay. Waxaa jira tiro aad u badan oo aan is baarin ama xarumaha caafimaadka aan tagin. 

COVID 19 waa xanuun ku dhaca neefmareenka waxaana sababaa fayraska Coronavirus oo si fudud dadka isu qaadsiin karaan. 

Calaamadaha COVID 19 waxaa ka mid ah, qandho, qufac, neefta oo gaabata, madax xanuun, murqo xanuun, cabudh, ama diif badan, dhuuunta oo ku xanuunta, daal badan, iyo dhadhanka ama urta oo kaa tagta. 

Hadii aad u dhowaato qof qaba xanuunka COVID 19, marka ay neefsadaan, waxaad jiidaysaa hawadii ay ku neefsadeen. Waxaa jirkaaga galaya qayb ka mid ah geermiskii ay hawada ku siidaayeen. Sidoo kale, marka qof qaba xanuunka uu qufaco, ama uu hindisoodo, waxay sayrayaan geermiska COVID 19, kaas oo ku dagaya indhahaaga, ama qayb ka mid ah wajigaaga, sidaas ayaadna cudurka ku qaadaysaa. 

Baaritaanka

Waxaad isku baarti kartaa meelo badan oo ay ku jirto in aad adiga is baartid. La xiriir dhakhtarkaaga,farmashiyahaaga ama xarumaha bulshada si laguu baaro. Sidoo kale waxaad heli kartaa qalabka lisku baaro oo bilaash ah. Halkan ka eego

Hadii lagaa helo cudurka, waxaa loo baahan yahay in aad ka fogaato dadka kale inta aad awoodid. Sidoo kale, waa inaad xirataa maaskaro si aadan u faafin fayraska Coronavirus. 

Dhakhtarkaaga wuxuu kuu qorayaa dawada ku haboon si xanuunka aad si dhaqso ah oga bogsooto. Ma ogtahay in uu jiro kaniinka Paxcovid oo loogu talo galay in lagu daweeyo Covid 19 in hada laga helo farmiyaasha. Hadii aad guriga isku baaritid oo xanuunka lagaa helo, la xiriir farmashiyahaaga si uu kuu siiyo dawada. 

Talaaka

Waxaa lagula talinayaa dhamaan dadka gaar ahaan kuwa ka wayn 65 sano ama xanuunada gaarka ah qaba in ay qaataan talaaka xoojiyaha. Xarunta Xakamaynta Cudurada ee CDC waxay cusboonaysiiyeen talaaka xoojiyaha si uu ula jaan qaado noocyada cusub ee Covid 19. Sidaa darteed, waa in ay dadka ooo dhan qaataan talaaka sanadkiiba mar si difaacaada jirka sare loogu soo qaado. 

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here