HomePolitics and LeadershipLeadershipMaxaad ka ogtahay Mishaarka ay qaataan xubnaha golaha deegaanka Minneapilis iyo Duqa...

Maxaad ka ogtahay Mishaarka ay qaataan xubnaha golaha deegaanka Minneapilis iyo Duqa magaalada Jacob Frey

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday. 

Xubnaha golaha deegaanka  Minneapolis waxa ay qaataan mushahar ka badan inta ay qaataan dhigooda magaalooyiinka kale  halka duqa magaaladana  uu qaato wax ka yar magaalooyinka la midka ah dalka oo dhan.

13-ka xubnood ee golaha deegaanka  magaalada ayaa hadda lasiiyaa $109,846 sanadkii, duqa magaalada Jacob Freyna waxa lasiiyaa $140,814 sanadkii.

Mushaarkaas isma badalayo ugu yaraan labada sano ee soo socota – oo ku aadan dhammaadka muddada xubnaha golaha hada la doortay – sida ku cad qaraarka iyo miisaaniyad-sannadeedka oo ay si wada jir ah u ansixiyeen golaha  uuna saxiixay Jacob Frey. Habraaca uu sameeyay golaha deegaanka ee raacaya sharciga gobolka, xubnaha golaha deegaanka iyo duqa magaalada ayaa qoondaynaya mushaharka kaas oo dhaqan galaya doorashada soo socota ka dib. 

Daraasaddaan oo ay samaysay xafiiska karraaniga magaalada, ayaa lagu ogaaday in sagaal magaalo oo la mid ah iyo St. Paul, Seattle kaliya ayaa siisa Golaha Magaalada in ka badan Minneapolis taas oo lagu jaangooyay sicirka nolosha marka loo eego Minneapolis. Cashuur-bixiyeyaasha Minneapolis waxay siiyaan xubnahooda golaha ku dhawaad ​​$29,000 in ka badan celceliska sagaalkaas magaalo.

Dhanka kale, Mushaarka Frey ayaa $26,000  ka yar celceliska  maayarada kale, oo uu ku jiro Duqa magaalada Saint Paul Melvin Carter,  wallow dadka degan St. Paul ay ka yar yihiin Minneapolis 120,000 oo qof. 

Ma cada sababta ay Minneapolis sidaas u noqotay hase yeeshee waxaa loo aanaynayaa, awooda duqa magaalada oo yar, iyo awooda golaha deegaanka oo xoog badan. 

Goluhu wuxuu faray xafiiska karraaniga inuu sameeyo daraasaddan ka dib markii codbixiyayaashu ay ansixiyeen su’aal cod-bixineed 2021 oo lagu beddelayo qaab-dhismeedka dawladda ee magaalada  oo awooda sare la siinayo duqa magaalada, awooda golahana la dhimayo. 

Sida Minneapolis, dhammaan sagaalka magaalo ee ay dadku ku nool yihiin waxay leeyihiin duq magaalo iyo jagooyin gole deegaan oo xooggan oo lagu tilmaamay inay yihiin shaqo buuxda. 

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here